X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Qaabiley Safiirka Cusub Ee Ethiopia

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka cusub ee dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, Amb Siciid Maxamed Jibriil.

 

Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama safiirku xafiiska safaaradda ku cusub yahay oo dhawaan dawladda federal-ka Itoobiya u soo magacawday Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Kulankan, ayaa sidoo kale lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku tiirsan iskaashiga horumarka, ganacsiga, isu-socodka iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika.

 

Waxaana Kulankaa Madaxweynaha ku wehelinayey Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, dhinaca safiirkana waxa ku wehelinaayey safiir ku xigeenka safaaradda Itoobiya iyo masuuliyiin kale. ayaa lagu yidhi, qoraal kasoo baxay Xafiiska Af-hayeenka Af-hayeenka Madaxweynaha JSL Maxamuud Warsame Jaamac.

Dhinaca kale, Safiirka Dawladda Federal-ka Itoobiya usoo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, Amb Siciid Maxamed Jibriil, ayaa  kasoo  jeeda Soomaalida dalka Ethiopia ee asal ahaan kasoo jeeda Somaliland, wuxuuna  horre xilal uga soo qabtay Dawladda Federaalka ee Ethiopia, isla markaana wuxuu muddooyinkii u danbeeyay ka ahaa Bare Jaamacadda Hargeysa University

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post