X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Muddeeyay Fadhiga Gollaha Wakiillada Iyo Loollanka Oo Maraya Meeshii Ugu Adkayd

he President of the Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, Image File Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa muddeeyey maalinta ay gollaha wakiillada Somaliland ee kusoo baxay doorashadii 31 May 2021, yeelanayaan fadhiga u horreeya.

 

Qoraal kasoo baxay maanta qasriga Madaxtooyadda Somaliland, wuxuu Madaxweynuhu kusoo saaray xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 13/082021, kaas oo uu kusoo saaray xeer Madaxweyne oo ku taariikhaysan 01/08/2021, wuxuu ku muddeeyay fadhiga ugu horreeya oo loogu yeedhayo mudanayaasha gollaha wakiillada cusub.

 

 

 

 

“Markaan Arkay: Qodobka 44aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo tilmaamaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isugu yeedhayo Fadhiga ugu horreeya ee gollaha wakiillada cusub;

 

Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Sare ee summaddiisu tahay MS/GDD/28/2021, kuna taariikhaysan 07/07/2021, ujeeddadiisuna tahay Ansixinta Natiijada Doorashada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Tix-geliyey: Muhiimadda uu leeyahay fadhiga ugu horreeya ee Mudanayaasha gollaha Wakiilladu, si ay u maraan dhaarta Dastuuriga ah, isla markaana iskaga dhex-doortaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, si waafaqsan Faqradda 3aad ee Qodobka 44aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayaa lagu yidhi, qoraalka Madaxweynaha Somaliland ku muddeeyay fadhiga u horreeya ee gollaha wakiillada cusub.

 

Sidaa awgeed, wuxuu Madaxweynuhu sheegay in uu go’aamiyay, In Fadhiga ugu horreeya ee gollaha wakiillada cusub ee dhowaan la doortay uu qabsoomo maalinta Salaasada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo. Fadhigaasina waxa uu ka qabsoomi doonaa Xarunta gollaha wakiillada ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.”ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda oo uu ku saxeexnaa Madaxweyne Muuse Bixii Cabdi.

 

Dhinaca kale, fadhiga ugu horreeya ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku iclaamiyay maalinta loo asteeyay in ay yeeshaan fadhiga u horreeya, ayaa kusoo beegmay xilli ay si weyn ugu loollamayaan shirguddoonka gollaha cusub Xukuumadda iyo xisbeeda KULMIYE iyo labada Xisbi mucaraad ee WADDANI iyo UCID oo iyagu helay aqlabiyadii xildhibaanada kusoo baxay doorashada, isla markaana samaysay isbahaysi ay ku doonayaan in ay ku guulaystaan shirguddoonka, balse loollan adag oo u dhexeeya labada dhinac ayaa sababay in koox ka mid ah xildhibaanada Isbahaysiga labada xisbi mucaarad ay dhanka xukuumadda iyo xisbigeeda u guuraan, iyadoo mucaaradka laftoodu gacanta ku dhigeen oo soo xera geliyeen dhawr xildhibaan oo xisbiga KULMIYE kasoo baxay.

 

Loollanka labada dhinac ayaa meel adag maraya xilligan, mana jirto cid la xaqiijin karaa labada dhinac in ay haysto aqlabiyada, waxaana jira warar sheegaya in ay labada dhinac aannay wax baddan is dheerayn wallow ay dadka sida hoose ugu dhuun daloolaa ay tibaaxayaan in weli isbahaysiga mucaaradku dhawr xubnood ku gacan sareeyaan. Laakiin weli waxa socdo kaanbaynka iyo loollanka labada dhinac midba midka kale doonayo inuu ku muquuniyo, kaas aan istaagayn ilaa daqiiqadaha ugu danbeeya fadhiga uu Madaxweynaha Somaliland muddeeyay ee maalinta Salaasada 03/08/2021 ee la doonayo in lagu kala baxo codka loo qaadayo shirguddoonka gollaha cusub.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post