X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Magcaabay Masuul Hore Isu Casilay

Naasir Caydiid , Image fdile Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xil cusub u magcaabay masuul hore usaga casilay xukuumaddiisa oo muddo dhawr bilood ah banaanka ka joogay, kaddib markii uu xilka isaka casilay 6 Jun 2022.

Laxidhiidha: Wasiirka Iska Casilay Xukuumadda Madaxweyne Biixi Ma Xoojinta Mucaaradkaa, Mise waa xeelad kale?

Hase yeeshee Wareegto kasoo baxday maanta oo Sabti ah xafiiska Madaxweyne Biixi, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-942/092022, ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland. (Beddel) hore u ahaa Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee Dawladdaha Hoose.” ayaa lagu yidhi, wareegtada oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebakaddaha Araweelo News Network.

Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-Ujeeddo: Magacaabid. Markaan Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay:  Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya aragnimadiisa; Markaan ku Qancay:  In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan.

Laxidhiidha: Maxaa La Gudboon Madaxweyne Biixi Iyo Mucaaradka?

Markaan Sameeyey:  La-tashi Waxaan Go’aansaday; In Mudane, Naasir Caydiid Maxamed Faarax laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu yidhi, qoraalka wareegtada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, Wasiir ku xiegeenka Naasir Caydiid ee Madaxweyne Biixi magcaabay, ayaa muddo saddex bilood ah ka hor iska casilay xilkaa, wuxuuna xilligaa la hadlay Telefishanka Bulsho, isagoo xaqiijiyay inuu xilkaa iska casilay 6 Jun 2022, wuxuna isagoo ka hadkaya xilka uu iska casilay yidhi, “waxaan xilkaaa hayay muddo saddex sannadood iyo dheerad ah, waxaanse caddaynayaa in laga bilaabo maanta Taariikhdu tahay 6 Jun 2022, aan iska casilay xilka, sababo ii gaar ah, wixii kalena dib ayaan ka sheegi doonaa,.” sidaa ayuu yidhi. balse Wareegtada xilligan ayaa lagu qoray in magcaabistiisu tahay bedel loo beddelay wasaaradda Gaadiidka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post