#Araweelo_News_Networ
Hargysa (ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah oo ka baxsan kulamada caadiga ah ee ka dhaca Madaxtooyada la yeeshay Saraakiisha sare ee Ciidmada kala duwan.
Kulanka Madaxweyne Madaxweyne Biixi la yeeshay saraakiisha sare ee ciidmada iyo hoggaanada kala duwan ayaa kusoo beegmay xilli xaasaasi ah oo lagu jiro maalmihii u danbeeyay ee Olollaha doorashooyinka ee dalka ka qabsoomaya 13 November 2024.
Madaxtooyadda Somaliland, ayaa kulanka kaddib ku tilmaantay kulanka in ujeedadiisu ahayd maadaama Madaxweynuhu yahay Taliyaha guud ee Ciidamada Qaranka, saraakiisha iyo hoggaanada Ciidanka kala Hadlay Arrimaha Doorashooyinka iyo diyaargarawga looga baahanyahay.
Kukanka Madaxweyne Biixi iyi saraakiisha ayaa ahaa mid albaabada loo xidhay, kaas oo ka qabsoomay maanta xarunta Miiska saraakiisha, iyadoo taliyaha ciidanka Millateriga, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ay weheliyaan Hoggaannada hawlgelinta ee ciidamada Millateriga ahna Afhayeenka guud ee ciidanka Qaranka iyo Booliska, sarreeye guuto Cabdi Cabdilaahi Xasan (Cabdi-dheere) iyo sarreeye guuto Ibraahim Cabdi Xaaji Maxamuud oo halkaas ka hadlay sida ay soo werisay Madaxtooyadu, waxay Madaxweynaha faahfaahin buuxda ka siiyeyen sida ay ciidan ahaan ugu diyaar garoobeen difaaca dalka iyo ilaalinta amniga iyo habsami u socodka doorashooyinka, islamarkaana goob kasta oo doorasho loo qoondeeyeyba ay u diyaar yihiin ciidankii ka hawlgeli lahaa maalinta ay doorashadu dhacayso ilaa iyo inta sanaaduuqda doorashada xarumaha doorashooyinka si nabadgelyo ah loogu soo xaraynayo.
Taliyaha ciidanka Booliska, sarreeyo gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa caddeeyey in marka laga yimaado gudashada waajibkooda amniga ay ku wacyigeliyeen ciidanka, ciidan ahaanna inay dhexdhexaad ka yihiin doorashada.
Taliyaha ciidanka qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa dhankiisa sheegay wixii ciidan ah ee ilaalinta goobaha codaynta iyo midda guud ee difaaca dalka ah diyaariyeen, kuna kalsoon yihiin inay hawshaas kasoo dhalaali karaan.
Sida lagu sheegay qoraalka Madaxtooyadda, Madaxweyne Biixi, ayaa ku bogaadiyay sida hufan ee ciidamada kala duwan ee dalku isugu diyaariyeen qabsoomidda doorashooyinka iyo gudashada waajibka culus ee saaran.
Gebagebadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu xusay in maalinta doorashada cidda hagista iyo maamulka doorashada lehi ay tahay Komishanka doorashooyinka, islamarkaana iyaga si gaar ah ciidamadu ula shaqayn doonaan, isagoo yidhi, “Ciidamow maalinta doorashada, qolada kommishanka doorashooyinka, ayaa laga amar qaadanayaa, iyagaana sida ay inoo tilmaamaan hawsha loo fulinayaa, ciidamada waxa laga rabaa inay hawsha guddiga Doorashooyinku wadaan ku dul ilaaliyaan, hawlihiinnii caadiga ahaa ee difaaca dalka iyo amniga gudahana aad haysaan.”
Sidoo kale. Madaxweyne Biixi waxa uu sharraxay ujeeddada laga rabo doorashada iyo sida ay waajib u tahay inay noqoto mid bulshada midaysa oo ururisa, “Waxaynu u baahannahay in loo midoobo difaaca qaranka iyo doorashooyinka, doorashadana waxaynu ka rabnaa inay qaranka wax usoo kordhiso, dadkuna isku jeclaadaan oo aanay isku nicin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. oo la dardaarmayay ciidanada sida ay soo werisay Madaxtooyadda Somaliland.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com