X

#Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Kulan La Yeeshay Maayarkii Hore Ee Caasimadda Iyo #Murrashaxa Cusub ee Caasimadda Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland, Muuse BIixi oo kulan la yeeshay Maayarkii hore Cabdiraxmaan SOLTELCo iyo Murrashaxa Maayarka Cabdikariim Axmed Moogge 13 Jun 2021, Araweelo News Network

Araweelo News Network.

Madaxweyne Biixi Muxuu Kala Hadlay Cabdiraxmaan SOLTELCO Iyo Cabdikariim Moogge?

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa caweyskii qasriga Madaxtooyadda isugu yeedhay kullan Maayarkii  hore ee Caasimadda Hargeisa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Musharaxa cusub ee Maayiarka Caasimadda Cabdikariim Axmed Moogge.

 

Sida lagu sheegay war kasoo baxay qasriga Madaxwtooyadda caawa kulanka kaddib, Madaxweynaha oo kullankaa labadoodaba si wada jira ula hadlay ayaa duqii hore ee Hargeysa uga mahadnaqay soo jeedintii uu usoo jeediyey inaanu tartanka ka qeybgelin isla-markaana uu la qaatay, sidoo kalena waxa uu dardaaran faray Cabdikariim Axmed Moogge oo  hadda u taagan qabashada jagada Maayarnimo  ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxaana uu labada xildhibaan u sheegay inay  ku wada shaqeeyaan niyadsami.

 

Madaxweynaha oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Annigu markii  aan arrinta eegay, Hargeysa eegay danta guudna aan eegay, waxaan go’aamiyey inaanu maanta tartankaa gelin Cabdiraxmaan sababahana waan u sheegay, waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa in isagoo aan waxba dareemin uu yidhi talladaadaa waan qaatay”.

 

Madaxweynaha oo u sharaxay labada masuul sababta ku dhalisay inuu ka naasuliyo maayarkii hore ayaa yidhi “Marka hore Magaalada Hargeysa oo is khilaafsani doorasho geli mayso anoo jooga ma dhici karto in iyadoo is khilaafsan oo is eryanaysa ay gasho doorasho, inaan isku kiin sii daayo oo aad magaalada ku durdurisaan anaa diiday, aad iyo aad baan kuugu mahad naqayaa Cabdiraxmaanow maanta waad guulaysatay”.

 

Madaxweynaha oo si gaara ula hadlay Murrashax Moogge ayaa yidi “Cabdikariinow maanta adaa xilkii magaalada qabanaya inamada kalena ma diidana ummadduna sidaas bay raali ku tahay, waana lagula shaqaynayaa Cabdiraxmaana gacantaada koobaad buu noqonayaa, waanad mahadsan tihiin”.

Ugu danbayntiina waxa si wada jira madaxweynaha ugu mahadnaqay labada masuul ee isu tanaasulay ee Maayarkii hore ee Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo murashaxa maayarka shanta sanno ee soo socda Mudane Cabdikariim Axmed Mooge iyagoo ballan qaaday inay dhawrayaan dardaarankaa madaxweynaha kuna shaqayn doonaan haddii eebbe qadaro.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post