X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Kulan La Yeeshay Guddoomiyaha Shirkada DP World 

Madaxweynaha Somaliland Musue Biixi iyo guddoomiyaha shirkada DP World, isla markaana ah maareeyaha guud ee Shirkadda, Sultan Ahmed Bin Suleyman., Image Araweelo News Network, 7 May 2021. Madaxtooyadda Somaliland.

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qasriga madaxtooyadda ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey guddoomiyaha shirkada DP World, isla markaana ah maareeyaha guud ee Shirkadda, Sultan Ahmed Bin Suleyman.

 

Kulankaa oo aannay warbaahintu goob joog ka ahayn,  balse qoraal saxaafeed kooban oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, kulanka kadib ayaa lagu sheegay in uu ahaa kulnaku mid  salka ku hayey dardar-gelinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkada DP World.

Sidoo kale, waxa lagu macneeyay in loogu gogol xaadhayay furitaanka wejiga koowaad ee dhismaha Dekedda Berbera oo dhammaaday, isla markaana dhawaan la furidoono,  waxa kale oo qoraalka lagu xusay in lagaga wada hadlay sidii loogu gudbi lahaa wejiga labaad ee dhismaha ballaadhinta Dekedda Berbera.

Kulanka, ayaa si gaara loogu lafo-guray imkaaniyaadka ganacsi ee ku gadaaman isticmaalka dekeda Berbera, sida marin ganacsiyeedka wadada Berbera Corridor iyo balaadhinteeda, madaama oo ay mari doonaan shixnado aad u tiro badan oo u socda dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia iyo dalalka bariga iyo badhtamaha Afrika.

 

Sidoo kale waxa laga wada hadlay casriyeynta iyo hawl-fudaydinta kastamada Berbera iyo Tog-wajaale, allaabooyinka isaga gooshaya dekeda Berbera iyo dalalka geeska Afrika, si xawliga ay ku baxayaan u noqdo mid dhakhso badan, suura-galna ka dhigi kara horumarka la doonayo in looga faa’iido bulshada ku dhaqan qaarada Afrika.

 

Kulankaa, ayaa la sheegayn inuu ku soo dhammaaday is fahan iyo is-afgarad waxaana madaxweynaha ku weheliyay wasiirada wasaaraddaha Horumarinta Maaliyada, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Xannaanada Xoollaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, maareeyaha dekeddaha Somaliland, safiirka Somaliland u qaabilsan Imaaraadka Carabta iyo xubno ka mida Boodhka Dekedda Berbera.

 

Araweelo News Network

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post