X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Kulan Degdeg Ah La Yeeshay Ganacsatada Dalka

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan degdeg ah la yeeshay maalqabeenada waaweyn ee dalka si masiibada dhacday ee Suuqa waaheen qorshe loogu samayn lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Bixii iyo Ganacsatada oo kulan deg deg ah yeeshay, kaddib markii uu gubtay Suuq ugu weyn ee Waaheen, 2 April 2022, Araweelo News Network.

Madaxweyne Biixi, ayaa  isugu yeedhay ganacsatada waaweyn ee dalka oo ay weheliyaan Rugta ganacsiga iyo xubnaha guddida heer qaran ee loo igmaday masiibada dabkii baaxadda lahaa ee xalay ka kacay suuqa weyn ee Waaheen.

Kulanka oo ahaa mid lagu faaqdiyay masiibada dabkaa iyo khasaaraha ka dhashay sidii xal loogu heli lahaa, ayaa ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyadda Jamhuuruyadda Somaliland.

Madaxweynaha iyo ganacsatada waaweyn ee dalka, ayaa kulankaa diiradda ku saaray sidii ay ganacsatadu gacan uga geysan lahaayeen taakulaynta dhibaatada ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa ugu weynaa Magaaladda Hargeysa ee Waaheen.

Madaxweyne Biixi, ayaa markii dabku bilaabmay booqday suuqaa iyadoo lala tacaalayo sidii loo damin lahaa, wuxuuna sheegay in xukuumad ahaan Lacag Halmilyan oo dollar sii deynayaan si deg deg hawsha loogu bilaabo.

Ilaa hadda lama ogga khasaaraha baxaadiisa iyo hantida ku shuf beeshay inta ay dhantahay, balse dabka ayaa gebi ahaanba baabiiyay suuqaa oo ahaa ka ugu weyn dhanka ganacsiga, iyadoo la qiyaasayo in hanti aan ka yarayn dhawr Bilyan oo dollar ku shuf beeshay, kaddib markii qiyaastii caweyskii hore ee habeen hore oo ahayd maalin Jimce ah oo laga rawaxay dabku qabsaday, iyadoo aan la ogayn sababta dhalisay dadbka ku faafau suuqa oo loo tag iyo maara waayay dhawr iyo tobban saacadood tan iyo gelinkii danbe ee Sabtida.

Gaadiidka Dab-damiska ee Somaliland ayaa la tacaalyay dabkaa, waxaana door weyn ka qaatay gurmadka dabkaa Dab-damisyo ka yimi deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Magaalada Jig-jiga, kuwaas oo magaalada Caasimadda Soomaalida ee Ethiopia kasoo dhaqaaqay markii ay maqleen masiibada.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post