X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Ku Baaqay In Dagaal Lagu Qaado Mukhaadaraadka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi oo salaadii Ciida Udxa la hadlaya dadka masjid Jaamaca Hargeysa 20 July 2021 Imege file Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay dhibaatooyinka mukhaadaraaku ku hayo bulshada iyo sida loogu baahanyahay in dawlad iyo shacab meel looga soo wada jeesto.

Madaxweyne Biixi, wuxuu sidaa ka sheegay hadal kooban oo uu ka jeediyay saaka markii uu qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda ciidal Udxaha, masjid jaamaca weyn ee Hargeysa.

Madaxweyne Biixi, isaga oo ka digaya Aafada noocyada kala duwan ee mukhaadaraadka oo caqliga bulshada saamayn xun ku yeelanaya, wuxuu yidhi,“Walaallayaal diinta, dawladda, qoyska iyo baayac-mushtarkaba waxa ilaaliyaa waa caqliga, waxana innagu soo batay fasahaad caqligii xumaynaya, haddii ummaddii caqligii laga xumeeyana, diintii, dalkii, Aakhiradii iyo adduunkiiba wuu xumaanayaa. Walaallayaal waxa inagu soo batay wax Mukhaadaraad la yidhaahdo oo khamri leh, xashiishad leh oo kiniin leh oo qofkii iyo mujtamiciiba si weyn ugu fasahaadayaan.”

Madaxweynuhu wuxuu shacabka usoo jeediyay inay gacmaha isu qabsadaan sidii dagaal wada-jir ah loogu qaadi lahaa mukhaadaraadka da’yarta dhibaatada ku haya ee mustaqbalkooda dilaya.

“Muwaaddiniinta Somaliland iyo inta Somaliland jecelba waxan ku waaninayaa in dagaalka mukhaadaraadka la wada galo, wuuna ka weyn yahay dagalku mid in gaar ahi gasho, maalin walbana waxaynu aragnaa maxkamaddi oo xukuntay waanu sii badanayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha, waxa ku weheliyay markii uu Salaada la tukaday shacabka xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, siyaasiyiin iyo xildhibaanno.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post