X
    Categories: Warar

Somaliland; Madaxweyne Biixi Oo Komishankii Doorashooyinka Ee Hore Guddoonsiiyay Abaalmarino

Madaxweyne Biixi oo xubnihii hore ee Komishanka Doorashooyinka guddoonsiiyay Hadyado 2 Desember 2019 Madaxtooyadda Somaliland , Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan lagu macneeyay sagooti la yeeshay maanta komishankii hore ee doorashooyinka qaranka oo todobaadkan xilka ku wareejiyey xubnaha kala dhiman ee Komishanka cusub ee doorashooyinka oo weli ay ku muransanyihiin xukuumadda iyo axsaabta mucaaradka.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska warbaahinta ee Madaxtooyadda, Naasir Yuusuf Daahir, oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in ay kulankaa oo ay goob-joog ka ahaayeen dhammaanba xubnihii hore ee komishanka doorashooyinka ujeeddadiisu ahayd sagootin iyo mahadnaq lagu fooladaynayo shaqadii adkayd ee ay xubnahaasi qaranka usoo qabteen muddadii ay xilka hayeen iyo sidii xilkasnimada lahayd ee ay waajibaadka qaran usoo guteen.

Sidoo kale, waxa lagu xusay qoraalka in Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi, xubnaha hore ee komishanka doorashooyinka uga mahadnaqay sidii ay ugu adkaayeen garsoorka iyo dhexdhexaadnimada, isagoo ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo sameeyay dedaal ay dadkooda iyo dalkooda gashadeen.

Madaxweyne Biixi oo xubnihii hore ee Komishanka Doorashooyinka guddoonsiiyay Hadyado 2 Desember 2019 Madaxtooyadda Somaliland , Araweelo News Network

Madaxweynuha, ayaa xubnihii hore ee Komishanka Doorashooyinka guddoonsiiyey shahaado-sharafyo mahadnaq ah oo lagu sifeeyay kuwo ka markhaati ah shaqadii ay qaranka usoo qabteen mudadii ay xilkaa culus ummadda u hayeen. sida lagu sheegay qoraalka Madaxtooyadda Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post