X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Khudbad Golle Ka Fuul Ah Kaga Hadlay Arrimo Badan

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay marxaladihii ay Somaliland soo martay tan iyo markii ay madaxbanaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya 18 May 1991.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay qaabkii ay maamuladii ka horeeyay ee Madaxweynayaashii hore ee Somaliland dalka usoo hoggaamiyeen iyo waxyaabaha ay kusoo kordhiyeen, isagoo dhankiisa sheegay waxa uu ku daray dhismaha qaranka Somaliland.

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi, waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo mawqifka Somaliland mar walba ka taagan tahay, isla markaana wuxuu tusaale usoo qaatay mandaqada oo xilligan colaado hadheeyeen iyo sida ay Somaliland uga nabadgashay dhibaatooyinka iyo colaaddaha.

Madaxweyne Biixi, wuxuu arrimahaa iyo kuwo kale kaga hadlay khudbad aan diyaarsanayn oo golle ka fuul ah, taas oo uu ka jeediyay munaasibad loo qabtay dafcadii labaatanaad ee dhamaysata waxbrashada Jaamcadda Camuud ee xarunta gobolka Awdal oo shahaadooyin lagu guddoonsiiyay 995 Arday.

Madaxweynaha iyo masuuliyiinta la socotay, ayaa saaka xilli hore safar ugu baxay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxaana si ballaadhan loogu soo dhoweeyay xarunta gobolka Awdal iyo degmada Dilla oo Madaxweyne Biixi socod lug ah ku dhexmaray, ka hor intii aannu gaadhin magaaladda Boorama.

 

Muuqaalkan Ka Daawo Khudbada Madaxweyne oo dhammaystiran.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post