X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Ka Halday Qaabka Hantida Ummadda Looga Ilaalinayo Ololaha Doorashooyinka

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi, ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ilaalinta hantida qaranka inta lagu jiro muddada Ololaha doorashooyinka gollayaasha Wakiiladda iyo deeggaanka ee loo asteeyay in ay dalka ka qabsoomaan 31 May. 2020.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland maanta, kaddib kulan uu Madaxweynahe Muuse Biixi Cabdi la yeeshay madaxda wasaaradda arrimaha guduha, guddoomiyayaasha gobollada dalka iyo Maayarada, ayaa madaxweynuhu muhiimadda ay leedahay in xukuumaddu ka diyaar garowdo doorashooyinka soo socda, shuruucda doorashooyinka loo dhigayna ku ilaaliso cid kasta oo masuuliyad ummadeed haysa, damacna kaga jiro inay mar kale isa soo sharraxdo.

Qoraalka oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, Madaxweyne Biixi, ayaa ka sheegay halkaa in qaranku gelayo doorasho uu dhaqaaleheeda iyo fikirkeedaba u madax-bannaan yahay,  islamarkaana baahi badan loo qabo in wada-jir looga wada hawlgalo abuurista jawi ku habboon in doorashooyin hufani dalka ka qabsoomaan.

 

Wuxuu tilmaamay inay xukuumadda dhexe ka go’an tahay sidii ay hantida qaranka uga ilaalin lahayd in loo isticmaalo ololeyaasha doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, maayarrada sharraxanina ay ula sinnaan lahaayeen murrashixiinta kale ee aan gacanta ku haynin xil qaran, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxa inagu waajib ah haddii aynnu dawladda dhexe nahay inaynu ka ilaalino qofka doorashada gelayaa wixii qaranka inuu u isticmaalo qof kale, markaa ninkii tartanka gelayaa ama maayar ha ahaado ama Baarlamaan ha ahaadee mar haddii uu doorasho gelayo wuxuu la sinmayaa walaalladiisaa uu doorashada la gelaayo, xagga awoodda hantida iyo awooddii uu lahaaba.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xaaladda kala-guurka ah ee la gelayo xilligan doorashooyinku soo socdaan, ay badhasaabadda gobolladu masuul ka noqon doonaan ilaalinta shuruucda doorashooyinka iyo dhawrista xuquuqda murrashixiinta,“Mar haddii kala-guur la gelaayo masuuliyadda koowaad  dawladda dhexe ayey saaran tahay, markaa waxa la rabaa ninkii murrashaxa ahaa haddii uu Baarlamankii yahay iyo haddii  uu dawladihii hoose yahay, laba xaq baa lagu leeyahoo  isaga in xaqiisa la ilaaliyo, isaguna ninkii awood hayey marka uu murashax yahay inuu awooddii ula sinnaado  kuwa kale, dawladda dhexaana laga rabaa inay taas ku ilaaliso, gobollada waxa ka wakiil ah badhasaabadda,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Sida lagu sheegay qoraalka kulanaka kaddib soo baxay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu baaqay cid kasta oo hunguri ka hayo inay isu sharraxdo doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka inay xil weyn iska saarto ilaalinta shuruucda doorashooyinka, amniga iyo wada-jirka bulshadana dhawraan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post