X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Xamaasada Iyo Caadifada Doorashooyinka Iyo Ficilada Lagu Googooyay Sawirada WADDANI iyo KAAH

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi 20 Oct 2024, Image Araweelo News Network.

#Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay heerka ay marayso caadifada doorashooyinka iyo xamaasadda oo sababay in ay dadka qaar ku kacaan ficilo gef ku ah amniga iyo nidaamka dumuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somliland ee la filayo innay dalka ka qabsoomaan 13 Nov 2024.

 

Madaxweyne Biixi, wuxuu ka digay dadka ficiladaa ku kacaya ee waxyeelada u geysnaya amniga qaranka iyo nidaamka doorashooyinka, kuwaas oo uu sheegay innay ku kaceen falal lid ku ah qaranimada, maadaama ay Boodhadhka Axsaabta iyo Ururada googoynayaan. sidaa awgeed wuxuu ku wargeliyay ciidamada Booliska iyo Hay’addaha amniga inay dadka ku kacaya falalkaa gacan bir ah ku qabtaan oo sharciga la hotgeeyo.

“Waxaynu galay xilli doorasho, waa in la fahmaa doorashooyinku waa nidaam aynu qaadanay, tartankuna maaha qabaa’il ee waa Axsaab iyo Ururo, waxayna doorashooyinku ka yihiin nidaamka aynu qaadanay ee dumuqraadiga ah, markaa macquul maaha wax la aqbali karona maaha in Boodhadhka Axsaabta iyo Ururada ee lagu dhejiyay shaaracyada la googooyo, ma garanayno ma dad waalan baan kuwa waxaa samaynayaa, maaha dad Somaliland ah kuwa sidaa samaynayaa, waana innay ciidamada Booliska iyo Hay’addaha amnigu tallaabo sharci ah ka qaadaan.” ayuu yidhi.

Madaxweyne Biixi wuxuu hadalkaa ka sheegay mar uu maanta ka qaybgalay munaasibada xuska maalinta  dib loo aasaasay Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo sanad walba la qaban jiray November, balse lasoo qadimay sababaha xilliga kala guurka, iyadoo sanandkan la qabtay 20 Oct 1991, wuxuuna si gaar ah usoo qaatay ficiladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaalada Caasimadda ee Hargeysa.

 

“Maalhan waxa bilaabmay in sawiradda Xisbiyada iyo Ururada dadka qaarkii jeex-jeexaan, maalin dhowayd Masalaha waxa ka dhacay in Sawiro Xisbiga WADDANI la jeex-jeexo, Booliska ayaa soo qabtay Laba Nin oo falkaa geystay, waxaana lagu xukumay sannad iyo dheeraad,  Xalay waxa la googooyay Boodhadhka sawirada Xisbiga WADDANI iyo Ururka KAAH, waana wax lala yaabo in ficilada noocaas ah ay dhacaan, Boolisku waa innay cid walba oo fal noocaas ah oo waxyeelo ku ah Axsaabta iyo Ururada soo qabtaan oo sharciga horgeeyaan.” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi, isagoo sidoo kale ka hadlay su’aalaha ka dhalan kara dadka ficilada sidaa ah ku kacaya.

Madaxweyne Biixi, ayaa sidoo kale, ka hadlay xaammaasada doorashada iyo qabyaalada kuwa ka wada baraha Bulshada, kuwaas oo uu sheegay in loo baahan yahay innay ka fogaadaan qabyaalada iyo kicinta ay ka wadaan baraha Bulshada ee abuuraya nacaybka iyo kala qaybinta Bulshada, wuxuuna baaq usoo jeediyay Axsaabta iyo Ururada ku tartamaya doorashooyinka iyo guud ahaan Bulshada.

Muuqaalkan Ka Daawo Arrimo Baddan oo Madaxweyne Biixi Ka Hadlay

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post