X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Munaasibada Curashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan

President of the Republic of Somaliland Muse Bihi Abd, Image File Araweelo News Network.i

Araweelo News Network.

#Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Dardaaray Shacbiga

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa  shacabka ku hanbalyeeyay curashada bisha barakaysan ee ramadaan oo inta badan caawa oo ku beegan 1 bisha sagaalaad ee Islaamka Hijra, 1442. taariikhada miilaadigana kaga beegan oo bilaabmaysa habeenka Arbaca 2021.

Madaxweynahe Biixi, wuxuu shacbiga Somaliland meel ay joogaanba iyo guud ahaan shucuubta Islaamka ku hambalyeeyay curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo caawa kaw ah.

 

Sidaana waxa lagu sheegay dhanbaal hanbalyo ah oo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ugu talagalay munaasibadan, wuxuuna  ummadda  Islaamka iyo shacabka reer Somaliland-ba u rajeeyey inuu Eebbe ku sugo khayraadka iyo xasanaadka bishan barakaysani ay xambaarsan tahay, isaga oo u rajeeyey inay wanaag iyo  khayr ku gaadhaan bishan bisheeda, isagoo Allah uga baryay inuu ka dulqaado xannuunadan aduunka saameeyey iyo abaaraha soo noq-noqday, ummadda reer Somaliland iyo dalalka Islaamkaba.

Madaxweynaha Somaliland, wuxuu bulshada u rajeeyayin Allah  bash-bash iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo sanadkan sannadkiisa, “Allah waxaan uga baryayaa dambi-dhaaf, adduunyo iyo aakhiro  inuu inagu simo, wixii dhibaatooyin ahna ummadda ka dul qaado.” ayuu yidhi.

 

Sidoo kale,  Madaxweynuhu waxa uu ummadda reer Somaliland kula dar-daarmay inay ka faa’iidaystaan khayrka  bishan barakaysan ee Ramadaan, kuna ddaalaan cibaadada islamarkaana ay noqdaan kuwo dhexdooda ay gasho cafis, iyo is-jacayl, isagoo ku adkeeyay  inay qaataan amarada guddida heer qaran ee u diyaar garawga iyo ka-hor-tagga xanuunka COVID-19 iyo talooyinka caafimaadka.

 

Ugu danbayntii waxa uu madaxweynuhu u ducaynayaa inta bukta ee u jiifta xanuunada inuu eebbe ka dulqaado, intii dhimatay ee aan soo gaadhin bishan barakaysana u danbi dhaafo, una naxariisto. Waxaanu madaxweynuhu rabbi uga rajaynayaa shacabka Jamhuuriyada Somaliland inay bishan bisheeda ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post