X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Dalabka Mucaaradka Ee Doorashada

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay arrimaha uga qorshaysan xukuumadda doorashooyinka dib u dhacay ee Madaxtooyadda iyo Ururrada oo aan si dhab ah loo ogayn xilliga ay dalka qabsoomayaan.

Waxa jira kala duwanaansho u dhexeeya dhinacyada siyaasadda oo aannay isku waafaqsanayn qaabka loo gelayo doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururrada siyaasadda, iyadoo aannu jirin qorshe cad oo laysku waafaqsanyahay oo ay heshiis ku yihiin xukuumadda, Axsaabta qaranka ee mucaaradka iyo Ururrada u taagan inay ka qayb qaataan siyaasadda.
Hase yeeshee, Madaxweyne Biixi oo muddooyinkii u danbeeyay aan ka hadlin arrimaha doorashooyinka, ayaa maanta kulan lagu soo bandhigay qorshaha qaranka ee sannadaha soo socda, wuxuu ka jeediyay khudbad uu kaa hadlay arrimaha doorashooyinka iyo arrinta dagaalka Laascaanood.

Madaxweyne Biixi oo u muuqday in hadalkiisu jawaab u yahay dhawaaqyada maalmihii u danbeeyay kasoo baxayay hoggaamiyaasha mucaaradka ee xisbiyada WADDANI iyo UCID, ayaa sheegay in ay khasab tahay in la qabto doorashooyinka, balse wuxuu si cad ugu xoojiyay hadalkiisa in ay lagama maarmaan tahay inay dhinacyadu isla eegaan qaabka loo qabanayo doorashooyinka, iyadoo aan cidna wax gaar ah jiidanayn.

Daawo Madaxweynaha oo ka hadlaya Arrimaha Doorashooyinka

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post