X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Arday Abaarso School Dirtay Oo Jaamacaddo Caalami Ah Ka Qalin-jabiyay

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa habeenimadii xalay habka maqalka iyo muuqaalka kaga qayb-galay xafladda qalinjebinta 13 Arday oo dhammaantood ka baxay Jaamacadaha ugu waaweyn Adduunka, gaar ahaan Maraykanka, kuwaas oo hore uga soo baxay Abaarso Tech qaybteeda ay ku leedahay Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ardaydaasi ka mid ahaa  arday ka baxday Jaamacadda Harvard iyo Jaamacadda Yale.

 

Xafladdan Madaxweynuhu kala qaybgalay Ardayda ayaa noqotay Ardaydii ugu badnayd ee hal mar ka wada qalin-jabisa jaamacadaha Maraykanka.

Tan iyo wakhtigii Abaarso Tech laga furay Somaliland sannadkii 2009-kii ilaa wakhtigaa waxa ka baxay Abaarso 150 arday oo dhammaantood helay Scholarship waxbarasho oo dibedda ah. Scholarship ay heleen 150-kaa arday waa deeq waxbarasho oo lacag ahaan u dhiganta 30 Million oo doolar, marka la xisaabiyo, waxbarashada, sannadaha ay joogayaan meesha cuntadooday iyo jiifkooda iyo local transport kooda iyo tickets ay ku dhoofaan, kuna soo noqdaan ardaydaasi.

Wakhti xaadirkana waxa dhigta Abaarso 275 Arday oo iskugu jira Grade 7 ilaa Grade 12.

Sidoo kale waxa Maamulka Abaarso School uu sannadkii 2017 furay – Jaamacadda Barwaaqo oo ay ku baxday dhismaheeda 1 Million oo dollar. 2.2 Million kale hadda ayaa lagu diyaarinayaa Campus.

Liiska Ardayda Qalinjebisay oo kala ah;

1- Abdikarim Yasin Hussein – Swarthmore College

2-Abdirahim Ahmed Mohamed – Brown University

3-Abdirahman Ahmed Yusuf – Grinnell College

4-Abokor Abdi Ismael –TCU

5-Maria   Oman Ahmed – Lafayette College

6-Sahra Aw Ciise Jamaac – Brandeis University

7-Youssouf Mohammed Nour – Westminster College

8-Samira Abdilahi Ahmed – Wheaton College

9-Jamal Aw Yoonis – Berea College

10-Nadira Yousuf Abdilahi – Yale University

11-Abdisamad Aden – Harvard University

12-Hamze Mahdi Hassan – Harvard University

13-Warsan Yusuf – Luther College

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post