X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Gaadhay Addis Ababa

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta safar ugu baxay dalka Ethiopia, Madaxweyne Bixii waxa garoonka diyaaraddaha kusii sagootiyay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan.

Weftigii uu hoggaaminayo Madaxweyne Biixi , ayaa gaadhay caasimadda Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxana madaarka caalamiga ah ee Bole international Airport kusoo dhaweeyey saraakiil sarsare oo ka socota dawladda Ethiopia, kuwaas oo ay kamid yihiin wasiirka maaliyadda dawladda Federal-ka Ethiopa, Axmed Shide iyo wasiirudawlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia, Mr. Redwan Hussein.

Muuse Biixi Cabdi  iyo weftigiisa, ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia, Mr. Abiy Ahmed, ayaa loo gudbiyey qolka VIP-da ee madaarka, kaddib waxa lagu gelbiyey gaadiidka lagu soo dhaweeyo wufuudda dalkaas timaadda, kuwaas oo madaxweynaha iyo weftigiisa u qaaday goobtii loogu talo galay.

Laxidhiidha: Socdaalka Madaxweyne Biixi Ee Ethiopia Iyo Su’aalaha Ka Dhashay

Madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, ayaa la shaacin ueedada safarkooda, balse waxa lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland in Maadxweyne Biixi iyo wefdigiisu kulamo kala duwan la qaadan doonnaan saraakiisha ugu sarraysa ee dawladda Ithiopia muddada ay safarka ku joogaan caasimadda Addis Ababa.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post