X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Farriimo U Diray Bulshada

The President of the Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, Image File Araweelo News Network.

Araweelo  News Network.

 

#Somaliland: Madaxweyne @Biixi Oo Farriimo U Diray Bulshada

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si qoto dheer uga hadlay xaasaasiyadda doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee dhawaan qorshaysani ka dhex abuureen bulshada dhexdeeda iyo sida ay shacabka waajib ugu tahay inay fursadda doorashada ee gacantooda soo gashay ka faa’iidaystaan, codkoodana siiyaan dad xilkas ah dantooda iyo ta qarankaba ka shaqeeya.

 

Madaxweynaha oo ka hadlay munaasibad uu maanta xadhigga kaga jaray dhisme cusub oo ay leedahay hay’adda dhawrista tayadu, ayaa shacabka kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan fursadda Dastuuriga ah ee loo siiyey inay gacantooda kusoo doortaan ciddii ku meteli lahayd doorashooyinka dhawaan bilaabmaya, si ay uga dheeraadaan qoomammo dambe oo aan waxba tari doonin,“Haddii lagu yidhaahdo xafiiskan cidda ugu wanaagsan, ayaa la dooranayaa oo shacabkii loo dhiibay oo la yidhi Dastuurku wuxuu yidhi dadka codkooda ayaa dalka xukuma oo iyagaa leh awoodda, laba is qaban maayaan, in doorashadii awooddeeda gacantaada la siiyey oo lagu yidhi dooro iyo inaad laba bilood kabacdi tidhaahdid shalay bay dhaantay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka u caddeeyey in saluug kasta oo ka yimaadda mudaneyaasha kusoo bixi doona goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ay shacabku yeelan doonaan oo aanay jiri doonin cid kale oo lagu canaantaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Qof kasta oo muwaaddin ah waxan leeyahay waxa wanaagsan dooro, qofkii maanta lagu yidhi wax dooro lagaama sugayo inaan berri calaacasho oo aad tidhaahdo kuwii horaa dhaamay, kuwii horena wixii ay qabteena way qabteen, qof kasta oo xafiis qabtaana dhaliil wuu leeyahay, nin walibana wuu dedaalay, ninkii dhaliilayowna maantay joogtaaye mid ka wanaagsan soo dooro, taasna waxan leeyahay dadka codka bixinaya, haddaad dooran weydo cidda timaadda ha canaanan, wax wanaagsanna ha doonin, cid kalena eeddaas ma laha, xisbina ha canaanan, dawladna ha canaanane adigaaba laguu dhiibaye qofka ugu wanaagsan ee xafiis kuu qabanaya keen.”

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay doorashadu bulshada u kala qaybisay lab iyo dheddig, islamarkaana meesha laga saaray xuquuqdii haweenku u lahaayeen inay isu soo taagaan doorashooyinka soo socda,  isaga oo shacabka ugu baaqay inay haweenka kaalintooda ka siiyaan doorashooyinka soo socda. waxana uu bulshada iyo murrashaxiinta hungurigu hayoba uga digay khasaaraha dhaqaale iyo midka waqti ee ay doorashooyinku leeyihiin, loogana baahan yahay inay si miyir qabta oo cilmi ku dhisan u  maamulaan hawlaha doorashooyinka.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post