#Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah murrashaxa u taagan doorashada Madaxtooyadda markii labaad ee u tartamaya Xisbiga KULMIYE, ayaa xisbiga tartanka ugu weyn la filayo inuu dhexmaro ee Mucaaradka ku eeddeeyay falkii Buurta gacan-libaax.

 

 Madaxweyne Biixi oo ay weheliyaan xubno ka mid ah gollaha wasiirrada ee Xukuumaddiisa iyo masuuliyiin Xisbiga ah, ayaa  munaasibadda oo ahayd mid ay soo abaabuleen koox dhalinyaro ah oo sheegay innay si mutadawacnim ah ula shaqaynayaan Xisbiga, wuxuu ku hambalyeeyey dhallinyarada usoo baxday sidii codbixiyayaasha taageersan xisbiga KULMIYE codkooda si saxan ugu dhiiban lahaayeen, islamarkaana ay hawshaas ku qabanayaan mutadawacnimo.
  “Aad baan ugu faraxsanahay in dhallinyaradan mutadawiciinta ah ee muwaadiniinta ah ee xilka iska saaray innay aqoontooda uga qayb qaadan lahaayeen sidii Xisbiga KULMIYE ugu guulaysan lahaa doorashada maanta taagan.”ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.
Xisbiyada waxa naga dhexeeya tartan, laakiin ninka qaranimada aan ilaalinayn isku mabda ma nihin Ninka Somaliland dhaawacaya, kaasi maaha Somaliland ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi, isagoo markii labaad ka hadlay heesaha Mucaaradka oo uu sheegay innay yihiin kuwo Ciidanka Qaranka wax lagaga sheegayo.
Madaxweyne Biixi, wuxuu sidoo kale, ku celiyay hadal uu hore uga dhawaajiyay oo uu kusoo qaatay dhacdadii Buurta Gacan-libaax, taas oo mar hore uu sheegay in laga daba tegayo dadkii falka lagu laayay Ciidanka geystay, isagoo hadalkiisa oo u muuqday mid hanjabaad ah  raaciyay in xataa kuwii magta (Diyadda ) ka bixiyay Askartaa sharciga lala tiigsanayo.
“Ninka dambiilaha ah ee ciidanka qaranka laayay, ninka mag ka bixiyey iyo isaguba waa dambiile, waana laga daba tegayaa, Qarannimada Somaliland lagu heli maayo ciidan qarankaan heeso ceeb ah u samaynayaa, waanan laynayaa, waanan ku faanayaa.” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.
Dhallinyarada maanta loo soo xidhay tabobarka, ayaa  maalmihii u danbeeyay ku hawlanaa sidii ay Albaabadda bulshada ku dhaqan caasimadda mid mid u garaaci lahaayeen, iyagoo doonaya innay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ka caawiyaan  sidii ay codkooda ugu dhiiban lahaayeen si sax ah oo aanu u qaldami lahayn waraaqaha codbixinta ee ay maalinta coddaynta doorashooyinka 13 November 2024.

 


Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com