X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Dawladda Britain Ugu Baaqay In Ay Ballaadhiso Xafiiska Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo qasriga madaxtooyada ku qaabilay Mudane Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka Britain iyo wefdi uu hoggaaaminayo, 17 Feb 2022, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta  qasriga madaxtooyada ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo Mudane Gavin Williamson oo ka socda Baarlamaanka dalka Britain, kuwaas oo saaka lagu soo dhoweeyay Madaarka Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo qasriga madaxtooyada ku qaabilay Mudane Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka Britain iyo wefdi uu hoggaaaminayo, 17 Feb 2022, Image Araweelo News Network.

Gavin Williamson, waa xildhibaanklii hormoodka u ahaa dooddii Baarlamaanka Britain ee dabayaaqadii jan 2022, ee lagaga hadlayay qadiyada aqoonsiga Somaliland, wuxuuna Madaxweynuhu waxa uu uga mahadnaqay xildhibaannada, dooddaa oo uu ku tilmaamay mid xaqiiqda ku fadhiday.

” Baarlamaanka UK waxay dhowaan horgeeyeen qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, doodihii cad-caddaa ee ay badka keeneen iyo adkaynta xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee hore uga dhexeeyey labada dal, sidaa awgeed waanu soo dhowaynaynaa booqashada rasmiga ah ee ay ku yimaaddeen Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu yidhi, qoraal kasoo baxay qasitada Madaxtooyadda.

Madaxweynuhu waxa uu fariin u diray dhammaan baarlamaanada kale ee caalamku inay ku daydaan baarlamaanka Uk oo ay ku dhiirradaan inay horkeenaan golayaashooda doodda la xidhiidha qaddiyadda madaxbannaanida Sonaliland, maaddaama wakhtigani yahay kii ay Somaliland iyo Shacbigeedu Sugayeen xaqii ay beesha caalamka ku lahaayeen, sida lagu sheegay qoraalka.

Xildhibaanada Britain ee booqashada ku yimi Somaliland oo ku sugan qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, 17 Feb 2022.

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi , ayaa ugu baaqay dawladda Britain inay ballaadhiso xafiiska ay ku leedahay leedahay caasimada Somaliland ee Hargeysa si uu u bixin karo adeegyo bulsho  oo dhamaystiran, ayaa lagu yidhi, qoraalka madaxtooyadda ee kasoo baxay qaabilada xildhibaanada Britain.

Kulankan waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Ingiriiska Ambbassador. Cabdi Cabdullaahi Diiriye (Ina Dayax Weerrar).

Xubnaha Weftiguna waxay kala ahaayeen, Hon Gavin Williamson CBE, MP Lord Stuart Polak, Lord Edward Udny Lister iyo Hon Alun Cairns MP.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post