X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Beddelaad Iyo Xilka Qaadis Sameeyay

Somaliland President Muse Bihi Abdi,Image Araweelo News Network, 18 September 2022.

#Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/WM/222/1-978012023 iyo JSL/XM/WM/222-981/012023, JSL/XM/WM/222-982/012023 uu xilka qaadis, Bedel iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

 

Ku: Maxamed Cabdi Gurxan,

Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

 

Og: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

 

Mudane

 

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Maaliyadda. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

 

 

Ujeeddo: Beddel  iyo Magacaabid

 

Markaan Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Arkay:  Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay:   In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In Agaasimihii Guud ee Barnaamijka Shaqo-qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), laga bilaabo taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

 

In Kaysar Cabdillaahi Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Midowga Yurub.

 

ALLAA MAHAD LEH

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post