“Arrinta Turkigu waa Qoraxdii ayaa galbeed kasoo baxday”Madaxweyne Biixi

#Araweelo_News_Network

Berbera(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi oo hoggaaminaya wefdi xukuumadda ka tirsan, ayaa gaadhay Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, halkaas oo Madaxweyne Biixi iyo wefdigiisu ay kala kulmeen shacbiga soo dhowayn aannay filayn mucaaradku.

Madaxweyne Biixi, ayaa bulshada kala hadlay fagaare, isagoo ugu horayn uga mahad celiyay sida ay usoo dhoweeyeen isaga iyo wefdigiisa, isagoo ku tilmaamay mid ay caan ku ahaayeen shacabka reer Saaxil, “Horumarka kala duwan ee iyo kaabayaasha dhaqaallaha ee Berbera ka hirgalay waxa ay ku yimaaddeen aqoonta, dad la dhaqan iyo soo dhaweynta reer Berbera.”ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu hogga-tusaaleeyay in wallow ay jiraan tabashooyin ay Somaliland marayso meel wanaagsan oo la mahadiyo dhaqaalle ahaan, siyaasad ahaan iyo sumcad ahaan, sidaa awgeed loo baahanyahay in lasii kordhiyo dedaalka, isagoo tilmaamay in Saaxil hoggaaminay dhinacyada horumarka dhaqaallaha, Caafimaadka, Waxbarashada, wuxuuna ugu bushaareeyay innay jiraan waxyaabo kale oo horumar iyo maalgashi ah oo kusoo waajahan Saaxil iyo guud ahaan Somaliland.

Hadalka uu jeediyay Madaxweyne Biixi, wuxuu kaga hadlay dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Turkigu ka wado gobolka geeska Afrika, iyadoo dawladda Turkigu faraha kula jirto qorshayaal lagu manja-xaabinayo oo uu ku doonayo Turkigu inuu meesha ka saaro heshiiskii is-afgarad ee MoU ee 1 Jan 2024,  Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed kala saxeexdeen Addis Ababa oo ahaa in Ethiopia la siiyo 20km oo Badda ah, taas bedelkeedana Ethiopia aqoonsato qaranimada madaxbanaanida jamhuuriyada Somaliland.

Heshiiska Ethiopia iyo Somaliland ee Is afgaradka ayaa indhaha caalamka kusoo jeediyay Somaliland iyo gobolka geeska Afrika, balse  dawladda Federaalka Soomaaliya ee Xasan Sheekh ayaa si weyn uga cadhootay, isla markaana bilawday dhaqdhaqaaq dublamaasiyadeed iyo dagaal ay arrintaa kaga dacwoonay Ethiopia.

Qayladhaanta dawladda Federaalka ayaa sababtay in dawladda Turkiga oo si weyn ugu dhex milan Soomaaliya ay  wada hadal la xidhiidha arrintaa u furto Ethiopia iyo Soomaaliya, iyadoo la filayo sida wasaaradda arrimaha dibbadda Turkigu sheegtay in maalinta Isniinta ee beri ay Ankara sii wado wejigii labaad ee wada hadalka Ethiopia iyo Soomaaliya.

 

Hase yeeshee, Madaxweyne Biixi, ayaa  waxa uu u jawaabay hadal kasoo yeedhay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga oo sheegtay in dawladda Ethiopia ay kula talinay innay Madaxweynaha Soomaaliya ee Xasan Sheekh usoo marto rabitaanka dekedda Berbera oo aannay soo marin Somaliland, wuxuuna Madaxweyne Biixi arrintaa ku tilmaamay mid gef ah oo aan marnaba dhacay, isagoo yidhi, “Arrinta Turkigu waa Qoraxdii ayaa  galbeed kasoo baxday”, mana aha mid dhacaysa Somaliland-na ma aqbalayso ayuu yidhi.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com