X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Amray In Tallaabo Laga Qaado Ganacstada Badeecaddaha Qariya

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay saamaynta dagaalka UUkraine, isagoo tilmaamay qaabka lagama maarmaanka ay u tahay in laga gaashaanto.

Laxidhiidha: Somaliland: Xukuumadda Oo Qaab Taxadir Ka Muuqdo Uga Hadashay Dagaalka Ukraine

Madaxweynuhu Biixi, hoga-tusaaleeyay sida ay xaaladdu noqon karto, isagoo ku dhaliilay ganacsatada marka arrimahaa oo kale dhacaan in ay bulshada ku ciqaabaan badeecaddaha iyo maceeshada oo ay qarsadaan si ay qiimaha u kordhiyaan.

 “Somaliland waxaan u dirayaa fariinta ah waar dunidii dagaal baa ka socda bad xidhan baa soo socota nin waliba itaalkiisuu marayaa waxaynu u baahanahay inaynu dib isu eegno oo aynu nidhaahno maxaynu waxan kaga bixi karnaa oo raggu masuuliyada isa sii saaro oo aannay meel hoose ka fikerin, jaadkaa ka mida dhibaayiinka ina haysta inagoo waxaa ku jirta maalintii inta qaad inagaga baxda intaasoo hawla ayay inoo qaban lahayd waa se aafo laynagu darsaday malaa duco ayuun baa inaga saari karta iyo caruurteena oo aynu kala dardaarano inteena waa weyn wuu dishooday intuu inaga dilayna Ilaahay baa ogg”ayuu yidhi.

Mar uu ka hadlayay dhibaatada dagaalka dalka Ukraine wuxuu sheegay in ganacsatadu marka ax dhacaan qariyaan raashinka iyo badeecaddaha si ay qiimaha ugu kordhiyaan dadka, taas oo sheegay in aan Diin ahaan iyo dhaqan ahaan aannay bannaanayn.

Madaxweyne Biixi wuxuu ku amray Laamaha amniga iyo Wasaaradda Ganacsiga inay tallaabo ka qaadaan ganacsatada dadka maceeshada ka xaraysta marka dhibaato timaado si ay ugu qaaliyeeyaan oo ay qiimaha u kordhiyaan.

Laxidhiidha: Madaxweyne Biixi Oo Ganacstada Dhaliil U Jeediyay Kana Dayriyay Xaaladda


“Waxaa jira ragg ka macaasha marka ay dadku dhibaataysan yihiin oo inta uu alaabta xaraysto dadka ku qaaliyeeya taasi Diintana waa ka mamnuuc dadnimadana waa ka mamnuuc, hay’addaha ku shaqada leh ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Ciidamada Boolisku ka mid yihiin inay ilaaliyaan ganacsatada dadka ka xaraysanaya marka ay dhibaataysan yihiin alaabta ee ku qaaliyeynaya tallaabana laga qaado”.ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo khudbad ka jeediyay munaasibad uu xadhiga kaga jarayay Isniintii Biriijka Dacar-Budhuq.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post