X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Amray Baadhitaanka Guddida Doorashooyinka

Somaliland President Muse Bihi Abdi and members of the Somaliland National Electoral Commission Image file Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa guddi baadhiseed u magcaabay Guddida Doorashooyinka Qaranka, kaddib markii  Khilaaf si lama filaan ah uga soo baxay guddida Arbacdii 27 April 2022.

President of the Republic of Somaliland Muse Bihi Abd, March 2018, Image File Araweelo News Network.i

 Qoraal lagu shaaciyay xilligaa bogga guddida ayaa  lagu sheegay in xubnaha guddidu u doorteen guddoomiye cusub Marwo Kaltuun Sheekh Xasan, balse saacado kaddib qoraal kale oo beeninaya ayuu soo saaray Guddoomiye Cabdirashiid Riyaraac, iyadoo qoraalkii hore laga saaray meesha.

Madaxweyne Bixii oo qasriga madaxtooyadda Khamiistii 28 April, 2022, kulan kula yeeshay xubnaha guddida doorashooyinka ayaa sheegay in arrintooda loo raacayo sharciga sida uu kulankaa kaddib ku sheegay qoraal koobban wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Saleebaan Cali Koore.

Laxidhiidha: Dareenka Ku Xeeran Khilaafka Guddida Doorashooyinka Iyo Jawaabta Madaxweyne Biixi

.Hase yeeshee  Madaxweyne Biixi, ayaa maanta sooray wareegto summadeedu tahay JSL/XM/G/083-859/052022 , taas oo uu ku magacaabay Guddi-baadhiseed oo madax-bannaan oo ka soo war-bixisa Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.


Laxidhiidha: Khilaaf Si Lama Filaan Ah Uga Qarxay Guddida Doorashooyinka Somaliland


Wareegtada Madaxweynuha oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa u qornayd sidan:-.

UJEEDDO: MAGACAABID

“Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 13aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad iyo Qodobka 15aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha; Xeer Lr: 91/2020.

Laxidhiidha: Guddoomiye La Doortay Iyo Guddoomiye Riyaraac Oo Beeniyay.

Markaan Arkay: Qoraalka Summaddiisu tahay KDQ/XK/008/2022, kuna Taariikhaysan 25/04/2022, ujeeddadiisuna tahay Codsi Guddi- Badhiseed.


Markaan Arkay: Qoraalka Summaddiisu tahay GDQ/XK/009/2022 kuna taariikhaysan 27/04/2022, ujeeddadiisuna tahay Is-beddel lagu sameeyay Hoggaanka Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Markaan Arkay: War-bixinta summaddeedu tahay Ref: HAN/GQ/05/62/2022, kuna taariikhaysan 05/05/2022, kana soo baxday Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, ujeeddadeeduna tahay soo gudbin war-bixin baadhiseed.

Markaan Arkay: War-bixinta summaddeedu tahay XGD/WM/02/08/191/2022, kuna taariikhaysan 05/05/2022, kana soo baxday Xafiiska Xisaabiyaha Guud, ujeeddadeeduna tahay war-bixinta xisaab – xidhka Komishanka Doorashooyinka Qaranka;

Laxidhiidha Guddoomiye Riyaraac Oo Sababeeyay Xuddunta Khilaafka Mucaaradkana U Digay


Markaan Arkay: Muhiimadda uu Komishanka Doorashooyinka Qaranku u leeyahay hannaanka dimoqraadiyadeed ee Dalka iyo hir-gelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah;


Markaan Arkay: Khilaafka maamul iyo maaliyadeed ee soo kala dhex galay xubnaha Komishanka uu caqabad ku noqon karo xil-gudashada waajibaadka iyo hawlaha shaqo ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Markaan Helay: Talo-bixinta sharci ee Garyaqaanka Guud iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka; Waxaan Go’aamiyay;-

1) In aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin in ay noqdaan Guddi-baadhiseed madaxa-bannaan oo ka soo war-bixisa Komishanka Doorashooyinka Qaranka, si waafaqsan Qodobka 15aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha; Xeer Lr: 91/2020;

1. Maxamed Jaamac Cabdi Guddoomiye
2. Farxaan Maxamed Cali Xubin
3. Siciid Xasan Habbane Xubin
4. Axmed Saleebaan Jaamac Xubin
5. Bashiir Cabdi Xariir Xubin

2) Guddidu waxay baadhitaan ku soo samayn doonaan arrimaha ay ka mid yihiin:

Nidaamka Maamulka iyo Maaliyadda ee Xubnaha Komsihanka.
Nidaamka Iibka iyo Qandaraasyada Adeegyada iyo Agabka Kommishanka.
– Nidaamka Maamulka iyo Diiwaan-gelinta Hantida raagta ee Komishanka.” Ayaa lagu ydihi, wareegtada Madaxweynaha oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post