X
    Categories: Warar

#Somaliland: Madaxweyne Biixi Muxuu Kala Hadlay Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Ee Salka U Ahaa Khilaafka Siyaasadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo la kulmay xubnaha Komishanka 24 December 2019


Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka ee kala dhiman, isla markaana khilaafka ka dhashay sababay inay noqdaan Komishan aan dhamayn oo laangadhe ah.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyadda kulanka kadib waxa lagu sheegay in Madaxweyne Biixi xubnaha guddida uga warramay caqabada ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka iyo xubnaha komishanka doorashxooyinka laftooda, khilaafka ka taagan, isaga oo ku dheeraaday ahmiyadda ay doorashooyinku dalka u leeyihiin iyo sida uu ka Madaxweyne ahaan u danaynayo in deg-deg looga gudbo dhammaanba wixii turaanturrooyin ah ee doorashooyinka hor taagan. sdia lagu sheegay qoraalka kooban ee kasoo baxay Madaxtooyadda, kaas oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac.

Dhinaca kale, kulanka, ayaa kusoo geegmay maalin kadib maalintii ay shalay yeesheen kulankii u horreeyay ee ay isku hor fadhiistaan Madaxweynaha iyo Labada Guddoomiye ee Xisbiyada Mucaaradka, kuwaas oo kulankaa yeeshay kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay khilaafkii ka dhashay Komishanka iyo muddo kordhinta ay go’aamo kasoo saareen guddi Odayaal, Culimo iyo Ganacsato, kuwaas oo soo jeediyay in lasoo celiyo xubnihii hore ee Komishanka Doorashooyinka, isla markaana dib loo eego muddo kordhinta, balse laguma sheegin qoraalka kasoo baxay maanta qasriga Madaxtooyadda in Madaxweyne Biixi ku qanciyay Xubnaha Komishanka inay is casilaan, si loo fuliyo qodobka ay soo jeediyeen Guddida dhex-dhexaadinta oo ay aqbaleen xukuumadda iyo guddoomiyayaasha labada Xisbi ee WADDANI, iyo UCID.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post