X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Biixi Muxuu Kala Hadlay Gollaha Wasiirrada

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Shirka Gollaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayay Madaxweynahe Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga hadlay dhawr qodob oo muhiim ah.

Shirka gollaha wasiirrada Somaliland, Image file, Araweelo News Network, March 2021.

Madaxweyne Biixi, waxa shirkaa ku weheliyay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) iyadoo ay kasoo xaadireen xubnaha gollaha wasiirrada Somaliland .

Shirkaa Toddobaadlaha gollaha wasiiirrada Somaliland oo aannay saxaafau goob joog ka ahayn, ayaa maanta lagaga hadlay qodobbo dhawra.

Sida lagu sheegau qoraal kooban oo kasoo qasriga Madaxtooyadda Somaliland, waxa ugu horrayn, Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Abaarta, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) golaha la wadaagay xaaladda abaarta ka jirta dalka, howlaha gurmadka abaarta ee ay waddo guddidu, bulshada abaartu saamaysay ee wax loo qaybiyey ilaa hadda, iyo deeqaha soo gaadhay guddida.

War qoraalka kasoo baxay shirka, ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweyne ku-xigeenku ka warramay roobabkii dhawaan ka da’ay qaybo ka mid gobollada dalka, isaga oo xusay in meelaha qaar ay ka da’een roobab lagu qabowsaday.

Golluhu waxa kale oo uu war-bixinta Amniga dalka ka dhagaysta wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed, isagoo ka xog-warramay xaaladda amniga ee dalku halka uu marayo oo uu xusay wasiirku in meel looga soo wada jeesto”ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Sidoo kale, waxa lagu xusay qoralka in Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), shirka gollaha wasiirrada horkeenay qoraal faah-faahsan oo ku saabsan wax ay shareecada Islaamku ka qabto carruurta la tuuro ee aan la aqoon cidda dhashay iyo sida loola dhaqmayo.

Dhinaca kale, gaba-gabadii shirka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha gollihiisa wasiirrrada uga xog-warramay safarkii dhawaan uu ku tagay dalka Maraykanka, isagoo safarkaa ku tilmaamay Madaxweynuhu, in uu ahaa mid si guul ah ugu soo dhammaaday.

“Madaxweynuhu, wuxuu xusay intii uu shirka gollihiisa wasiirrada siinayay warbixinta in dowladda Maraykanku ay diyaar u tahay in ay la shaqayso Somaliland, oo ay wax wada-qabsadaan, qodobbo badanna labada dal ay iska-kaashan doonaan.’ ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda oo aan wax faahfaahin dheeri ah ka bixin arrimahaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post