X

#Somaliland: Madaxweyne Biixi Muxuu Ka Yidhi Curashada Sannadka Cusub Ee Islaamka – 1443HJ

Madaxweyne Biix oo Xeer kusoo saaray Qabsoomida Doorashooyinka Somaliland. 3 Feb 2021, Image File Araweelo News Network,

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku hanbalyeeyay shacbiga Somaliland curashada sanadka cusub ee Islaamka 1443 Hijriyada oo curtay Salaasa 9 August 2021.

 

Dhanbaal hanbalyo ah oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland caawa, wuxuu Madaxweyne Biixi ku sheegay in isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, Munaasibadda curashada Sannadka cusub ee Islaamka 1443-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyynayo.

 

“waxaan Bogaadin iyo ducoba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaan Shacbiga Somaliland Meel ay Joogaanba.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

 

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taa la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan Isniinta 9 August 2021.

 

Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo.

 

Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Shucuubta Islaamka u rajaynayaa in Sannadka cusubi ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni buuxda, ayaa lagu yidhi, qoraalka habnalyada ee Madaxweynaha Somaliland.

 

Kullu Caam Wa Antum Bikhayr

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post