X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Biixi Ku Hanjabay In Jawaab Laga Bixinayo Dilalka Taliyihii iyo Xaakinkii Laascaanood

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo la hadlaya saraakiisha Ciidamada Somaliland ee Taliska Guud.17 March Araweelo News Network.


Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku hanjabay inay jawaab ka bixinayaan dilka Taliyihii Sirdoonka Somaliland ee Gobolka Sool Cabdiqani Guhaad xilli uu ku sugnaa gurigiisii xalay dablay aan la aqoonsan haybtooda iyo tiradoodu ku dileen gudaha Magaalada Laascaanood.


Sidoo kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in dilka Taliyaha uu ka horreeyay dilka Garsoorihii horraantii bishan lagu dilay Laascaanood, wuxuuna Madaxweyne Biixi ku tilmaamay arrintaa weerrar cadawga Somaliland kusoo qaaday oo ay jawaab ka bixinayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo la hadlaya saraakiisha Ciidamada Somaliland ee Taliska Guud.17 March Araweelo News Network.


“Cadawgu wuu innagu soo dhiiranayaa Taliyihii Laascaanood ayaa xalay la dilay, horena waxa loo dilay Xaakimkii, marka la dilo Xaakinkii iyo Sahankii waa Cadaw inagu soo maqan, iyadoo xaaladan dunida ka jirto, ayaa Cadawgaasi ina soo maqan, waana laba gamcood oo aan kala fogayn.” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo ka hadlay xaalada dilalkii ugu danbeeyay ee Magaalada Laacaanood.

AKHRI: Sarkaal Lagu Dilay Laascaanood

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay Taliska guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa sheegay in iyadoo dhibaatada Cudurka sida weyn looga baqayaa jirto cadawga Somaliland weerrar kusoo qaaday, balse wuxuu ku hanjabay inay Somaliland deg-deg ah bixinayso, “Ka jawaabista labada weerrarba diyaar ayaanu u nahay, waxaana hubbaal ah in Somaliland iyo Ciidankeeda ninka gacan u qaadaa eedayo, oo aannu mahadin oo aannay libtaa la tegin, waana inay oggaadaan kuwii dilay inay raggaasi leeyihiin Ciiddan iyo awood iyo umad ka danbaysa.waana ka tacsinaynaynaa qoysaskii, ehelkii iyo qarankaba” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi, wuxuuna ku booriyay inay heeggan galaan oo ku ekaadaan xeryahooda.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post