X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Iyo Wefdigiisa Oo Kusoo Laabtay Hargeysa

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa kasoo laabtay safar ay dalka Djibouti kaga qaybgaleen Madaxweynaha dalkaa Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shannaad loo cumaamaday inuu shanta sannadood ee soo socda uu hoggaamiyo dalkaa.

Madaxweyne Biixi iyo xubnaha la socday oo maanta kasoo degey madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport, waxa kusoo dhoweeyay  masuuliyiin ka tirsan xukuumadda.

Djibouti: Madaxweynaha Somaliland Iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Caasha Is Geliyay

 

Madaxweynaha martida loo ahaa ee dalka Djibouti, ayaa markii ay dhamamatay munaasibadii lagu caleema saaray, wuxuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa iyo wufuud caalami ah oo ka kala yimi dalal dhawr ah, wuxuu u sameeyay hadhimo sharafeed.

 

Wasiirka xannaanada xoollaha, kalluumaysiga iyo biyaha  Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Djibouti Amb Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa kusoo sagootiyay Madaarka Xunbuli ee dalka Djibouti.

Araweelo News Network

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post