X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Iyo Wakiilka UK Maxay Ka Wada Hadleen

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyadda ku qaabiley wakiilka cusub ee Dalka Britain usoo magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland, Ambassador Lizzie Walker oo ay wehelinayaan saraakiil sarsare oo ka socda xafiiska Uk uu ku leeyahay  Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Araweelo News Network, kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd barasho iyo soo dhowayn.

Madaxweyne Biixi, ayaa uga xog waramay Ambassador Lizze horumarka ay Somaliland gaadhay iyo himiladeeda, isagoo uga mahadnaqay dawladda Britain iyo Baarlamaankeedaba dedaalkii iyo juhdigii ay geliyeen inay dareenkooda madax-bannaanida Somaliland ee ay la wadaagaan Beesha Caalamka dooddii soo jiidatay indhaha caalamka.

Qoraal saxaafadeedka, ayaa lagu xusay in Madaxweynuhu xusay intii kulanku socday in shacbiga Somaliland kaga jawaabeen dareen saaxibtinimo oo salka ku haya xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal Britain iyo Somaliland.

Dhinaceeda, Ambassador Lizzie Walker, ayaa xustay inay la dhacsan tahay dedaalka horumarineed iyo Dimuquraaddiyadeed ee ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo sababtay in adduunku maanta indhaha ku hayo horumarka iyo wanaagga  Somaliland ka socda.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Ambassador Lizzie Walker, waxa ku weheliyay Wsiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, sida lagu sheegay qoraal saxaafadeedka kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post