X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Iyo Mulkiilayaasha Isgaadhsiinta Oo Kulmay

Maxay Ka Wada Hadleen?

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Shirkaddaha Isgaadhsiinta, kaddib markii ay labada shirkadood ee Telesom iyo Somtel kala saxeexdeen heshiis dhigaya in Telefoonada laysu furo.

Heshiiskaa oo uu goob ka ahaa Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland oo uu u saxeexay Dr. Cabdiweli Sh. Cabdullaahi, isla markaana daba socday heshiis ay dhowaan wada gaadheen xukuumadda Somaliland iyo shirkaddaha Telesom, Somtel iyo Somcable, kaas oo ahaa in la wadaago xadhiga Fiber Optic.

Qoraal kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa u dhignaa sidan: –

Madaxweynaha Somaliland, wuuxuu maanta qasriga madaxtooyadda, ku qaabiley madaxda shirkaddaha gaarka loo leeyahay ee isgaadhsiinta oo uu heshiis guul ku soo dhammaaday dhexmaray dawlada Jamhuuriyadda Somaliland.


Heshiiskan oo nuxurkiisu yahay in la wadaago lahaanshaha xadhiga fiberka ah oo ah hanti qaran. Xadhigaas oo ay wada yeelan doonaan Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay heshiishka ku matalayso Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland iyo saddexda shirkadood ee kala ah:
1. SOMCABLE oo uu metelayey Ganacsade Maxammed Siciid Geeddi.
2. SOMTEL oo uu metelayey Ganacsade Maxammed Siciid Ducaale.
3. TELESOM oo uu metelayey Ganacsade Cabdikariim Maxammed Iid.
4. Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland oo uu u saxeexay Dr. Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku bogaadiyay heshiiska taariikhiga ah ee dhexmaray shirkadaha iyo Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland ee ku qotoma Isfahanka iyo wada-shaqaynta, Isaga oo madaxwaynuhu uga mahadceliyey shirkadaha dalka maalgashaday iyo doorka ay ugu fadhiyaan qaranka oo ah mid lama illaawaan ah, ayaa lagu yidhi, heshiiska.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post