X

#Somaliland: Madaxweyne# Biixi Iyo Haldoorka #Bulshada Oo Sagootiday #Wasiirkii Hore Ee Waxbarashadda Marxuum #Xasan Xaaji Maxamuud

Araweelo News Network.

Jinaasadiisa Ayaa Muujisay Sharaftii Uu Bulshadda Ku Lahaa Iyo Xushmadii Loo Hayay

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa kala qaybgalay boqolaal qof oo haldoorka bulshada ah Aas qaran oo loo sameeyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashadda xilligii xukuumadda Rayaale, Marxuum Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadh-weyne).

Marxuumka oo shalay geeriyooday.ayaa lagu aasay maanta xabaalaha Malowle ee galbeedka caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxayna Jinaasadiisu muujisay sharaftii uu Bulshadda dhexdeeda ku lahaa muddadii uu ifka joogay Iyo Xushmadii loo hayay Marxuumka.

 

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah gollaha wasiirrada, xildhibaanno, siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo boqollaal shacab ah, ayaa kala qaybgalay jinaasada marxuumka, waxayna qaar ka mid ah masuuliyiinta ka sheegeen halkaa taariikhdii marxuumka oo kooban, doorkiisii dib-u-dhiska qaranka Somaliland iyo samafalkii uu caanka ku ahaa.

Xubno ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland,, ayaa ku dheeraaday taariikhdii iyo astaamihii wanaagsanaa ee uu lahaa, waxayna Allah uga baryeen inuu naxariistiisa iyo  jannooyinkiisa ugu deeqo.

Sidoo kale, Siyaasiyiin iyo haldoor, ayaa sharraxay kaalintii uu marxuumku ku lahaa hirgelinta qaranka Somaliland iyo dhismihiisa, kuwaas oo ku sifeeyay siyaasi rug-caddaa ahaa oo bulshadiisa iyo dalkiisaba usoo adeegay nollishiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa marxuumka ku tilmaamay siyaasi  samo-fale ahaa oo sifooyin badan oo wanaagsan lahaa, “Xasan oo samofalkiisa laga sheekeeyey oo intii aan ka aqaannay lagu sheegay, anna aan uga soo joogay wax badan oo wanaag ah  Allah ha u naxariisto, innagana Allah ha innooga daba naxariisto, qoyskiisiina wax khayr qaba halkiisii Allah ha ugu bedelo.”

Laxidhiidha: Somaliland: Wasiirkii Hore Ee Waxbarashada Xasan Gadhweyne Oo Geeriyooday

 

Marxuum Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadh-weyne), ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta waaweyn ee Somaliland, waxana uu xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee dalka soo maray iyo xukuumaddii Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga Soomaaliya oo ay Somaliland ka mid ahayd intii u dhaxaysay 26 Jun 1960 ilaa 18 May 1993.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post