Wasiirka Arrimaha Guddaha Djibouti oo Soo dhoweeyay Madaxweyne Bixii iyo Wefdigiisa
Araweelo News Network.
Djibouti(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa gaadhay magaalada Caasimada u ah dalka Djibouti, halkaas oo maanta ay kusoo dhoweeyay wasiirka arrimaha guddaha ee dalkaa.
Madaxweyne Biixi waxa safarka ku weheliya wasiirrada Arrimaha Guddaha, Maxamed Kaahin Axmed, Gancsiga, Maxamed Xasan Sacad Saajin iyo la taliyaha Madaxweynaha Cali Maxamed Warancade.
Booqashadan, ayaan la ogayn inta ay qaadanay in waxyaabaha Madaxweyne Biixi iyo wefdigiisu kala hadlayaan dawladda Djibouti, balse wixii kasoo kordha waxan kusoo gudbin doonaa wararka danbe ee Araweelo News Network.
Muuqaalkan ka Daawo qaaabka loo soo dhoweeyay Madaxweyne Biixi.
Published by Araweelo News Network.
Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com