X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Iyo Culimadda Ansaaru Sunna Oo Gorodda Is Dhigay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo Madaxtooyadda ku qaabilay Culimadda Ansaaru Sunna, Image File 23 August 2021. Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gorodda lays dhigay la yeeshay Culimadda Ansaaru Sunna, kuwaas oo maalmihii u danbeeyay kulan diimeedkoodii saddexaad ku lahaa Magaaladda Hargeysa.

Culmida, ayaa Madaxweynaha Somaliland ku qaabilay maanta qasriga Madaxtooyadda, waxayna kulankaa kaga wada hadleen arrimaha khuseeya ee waajibka ku ah Culmidda iyo sidii dadka iyo dalka loo hagaajin lahaa.

 

CulimaddaAnsaaru Sunna, ayaa ka kala yimi waddamada deriska la ah Somaliland iyo daafaha caalamka, iyadoo ujeedadoodu ahayd in ay Hargeysa ku qabsadaan kulan diimeedkooda, kaas oo ay maanta soo gebagebeeyeen.

Qaar kamid ah culimadda waaweyn ee kulanka ka qaybgalay oo ay kamid yihiin  Sheekh Cabdirisaaq Cabdullaahi (General Jiir), Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi, Sheekh Almis Yaxye,  Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliike, Dr. Cali Maxamed Saalax iyo  Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida milgaha leh ee uu u qaabilay, iyaga oo si guudna Jamhuuriyadda Somaliland ugu  ammaanay nabadda iyo amniga taabbo-galka ah ee ka jira, isku-duubnida iyo midnimada shacabka iyo xukuumadda ka dhaxaysa iyo xiisaha bulshadu u qabto barashada diinta Islaamkana si weyn u bogaadiyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey culimada waaweyn ee diinta magaca ku yeeshay ee qaybta ka ahaa kulankii ballaadhnaa ee Somaliland lagu qabtay, waxana uu caddeeyey inuu madaxweyne ahaa soo dhaweynayo khayrka iyo wanaagga ay culimadaasi dalka keeneen iyo muxaadarooyinkii ay bulshada u jeediyeen, waxana uu yidhi,“Ilaahay baa mahad leh nagu simay in intan oo culimo ahi noo timaaddo oo ay noo duceeyaan, ciddii khayrkaas iyo intaas oo culimo iyo ducadaas noo keentayna  waannu u mahadnaqaynaa, waannu jecel nahay intan oo culimo ah oo wanaagga iyo khayrka na farayaa inay If iyo Aakhiroba na xasuusiyaan waa hiil iyo garabgal aannu aad iyo aad u soo dhaweynayno.”

 

Madaxweynuhu waxa uu culimada ka codsaday inay ummadda uga duceeyaan khilaafka iyo kala qaybsanaanta dhexdooda taalla, kuna waaniyaan inay is caawiyaan oo ay gacan qabtaan dadkooda jilicsan ee u baahan taakulaynta, waxana kulankan   ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka, Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) guddoomiyaha gollaha wakiillada, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere)  iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post