X
    Categories: Warar

Somaliland: MadaxweynahaOo Cafis U Fidiyay Malayshiyada Col Caarre Iyo Shuruud Lagu Xidhay Isaga

Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii iyo Xubno Wasiiradda Xukuumadda ka torsan 6 Oct 2019

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ergadii nabadaynta gobolka Sanaag, ayaa maanta is Af-garad buuxa ka gaadhay soo af-jaridda arrintii buuraleyda waqooyi ee gobolka sanaag muddada ka taagnayd.

Salaadiinta, Odayaasha iyo waxgaradka ka qaybgalay kulanka Madaxtooyadda ee nabada gobolka Sanaag 6 Oct 2019.

Kulan uu madaxweynuhu la qaatay ergadan, ayaa la iskula qaatay in si degdeg ah loosoo af-meero arrinta ka taagan deegaanka buuraleyda waqooyi ee gobolka Sanaag, islamarkaana wada-jir loo taageero nabadda iyo deggenaanshaha gobolka, isaga oo madaxweynuhu danta guud u aqbalay inuu cafiyo  ciidamada ku sugan halkaas  ee faraha la galay falalka liddiga ku ah nabadgelyada isla markaana la qarameeyo.

Salaadiinta, Odayaasha iyo waxgaradka ka qaybgalay kulanka Madaxtooyadda ee nabada gobolka Sanaag 6 Oct 2019.

Salaadiin, cuqaal iyo waxgarad ay ka mid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Cali Badda-cas, Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, Chief caaqil Maxamuud Nuux, Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari, Sheekh Cawil Faatax iyo waayeel kale oo ka mid ah ergada nabadaynta,  ayaa madaxweynaha la qaatay in dhammeeyo dhibaatadaas, waxana uu  madaxweynuhu shaaca ka qaaday in xukuumadu diyaar u tahay adkaynta nabada iyo horumarka gobolka, isaga oo caddeeyey inaan cidina ka sarrayn shuruucda dalka u dejisan, islamarkaana aan la baalmari karin Dastuurka qaranka.

Salaadiinta, Odayaasha iyo waxgaradka ka qaybgalay kulanka Madaxtooyadda ee nabada gobolka Sanaag 6 Oct 2019.

Maayarka magaalada Ceerigaabo, Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur, guddoomiyaha gobolka Sanaag u qaabilsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Maxamed Xasan Jaamac Daadey, Boqor Maxamed Boqor Axmed Cali iyo Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani oo kamid ah salaadiinta waaweyn ee reer Somaliland oo  kulanka hadallo ka jeediyey, ayaa si buuxda u aqbalay go’aanka madaxweynaha, soona dhaweeyey cafiska uu u fidiyey ciidankaas, iyaga oo sheegay  inay si rasmi ah u qaateen go’aanka xukuumadda ee ah inaan sharciga loo jebinin cid kasta oo aanu Dastuurku oggolayn cafiskeeda.

Odayaasha, Salaadiinta iyo waxgaradka ka qaybgalay kulanka Madaxtooyadda ee nabada gobolka Sanaag 6 Oct 2019.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu guddida u sheegay inuu nabadda darteed diyaar u yahay inuu awooddiisa ku meelmariyo wax kasta oo arrintaas lagu soo afmeerayo, waxana uu yidhi, “Hawsha inta xilka aan hayo ee madaxweynuhu oggoshahay ee aan awooddeeda leeyahay waan qaadanayaa oo waan fulinayaa.”

Masuuliyiin, Odayaal, Salaadiin iyo waxgaradka ka qaybgalay kulanka Madaxtooyadda ee nabada gobolka Sanaag 6 Oct 2019.
Masuuliyiin, Odayaal, Salaadiin iyo waxgarad ka mid ah kuwa ka qaybgalay kulanka Madaxtooyadda ee nabada gobolka Sanaag 6 Oct 2019.

Madaxweynuhu waxa uu madasha kaga dhawaaqay inuu cafiyey dhammaanba ciidamada la socda Siciid  Caarre, isaga oo xusay in Cafis loo fidiyo Siciid Laftiisu u baahan yahay sharciyad la raaco, maadaama ciidamada iyo saraakiishoodu kala kiis yihiin, “Ciidamadu waxa ay u kala qaybsan yihiin saraakiil iyo askar, waana kala kiis, innamada halkaas jooga sarkaalka sare mooyaane intooda kale dhammaantood wax allah wixii qaranku dembi u haystay waan ka saamaxay, sharcigaana ii oggol, laakiin gaashaanlaha sare ee hoggaaminaya waxaynnu u baahannahay inaad iisoo martaan sharci aan ku saamixi karo, qofku markuu xidhan yahay oo dembigii uu qaatay oo uu xabsi ku jiro oo laga fikiro qofkii dembigii wuu ka baxay Saamax iyo qofkii dalka ma joogo,” ayuu yidhi madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Qaar ka mid ah Culimada, Masuuliyiin, Odayaal, Salaadiin iyo waxgaradka ka qaybgalay kulanka Madaxtooyadda ee nabada gobolka Sanaag 6 Oct 2019.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa dhankiisa taageero ballaadhan u muujiyey in qaran ahaan la isla qaato in wada-jir loosoo af-meero arrintaas, waxana uu tilmaamay inuu si buuxda usoo dhaweynayo go’aanka uu madaxweynuhu ka qaatay arrinta gobolka Sanaag iyo ciidamadii  arintaas  ku lug yeeshay ee madaxweynuhu cafiyay isagoo suldaanku ku hambalyeeyay madaxweynaha talaabadaas, waxana uu yidhi, “Waannu kula qaadannay natiijada go’aankeeda, waxana aannu ku dedaalaynaa sidaa aad noogu go’aamisay inaannu ku dhammayno oo aannu kasoo qaadno arrin aan laga noqon karaynin, Arrinta aad imika go’aamisay way noo caddahay, waanu kula qaadanayna arrinkaas. arrinkaasina arrin dib looga noqdo ma ahee aan sidaas ku hambalyeyno madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.”

Masuuliyiin, Odayaal, Salaadiin iyo waxgarad ka mid ah kuwa ka qaybgalay kulanka Madaxtooyadda ee nabada gobolka Sanaag 6 Oct 2019.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu ergeda nabadaynta gobolka Sanaag ku ammaanay dhabar-adaygga iyo samirka ay arrinta ku wajaheen iyo sida ay uga go’an tahay in nabad waarta laga gaadho arrinta gobolka Sanaag, isaga oo ku adkeeyey in gacmaha la isu qabsado sidii loo soo gebo-gebayn lahaa shaqaaqada soo noqnoqotay ee deegaannada Ceel-Afweyn.

Masuuliyiin, Odayaal iyo waxgarad ka mid ah kuwa ka qaybgalay kulanka Madaxtooyadda ee nabada gobolka Sanaag 6 Oct 2019.

Allaa Mahad Leh 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post