X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Sheegay In Dhawaaqyadii Safarkooda Guinea Ka Cadhooday Talyaanigu Kow Ka Ahaa

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Safarkii Guinea

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay safar ay todobaadkii hore ku tageen dalka dalka Jamhuuriyadda Guinea  ee kulaalaya Badweynta Atlantic ee galbeedka qaarada  Afrika.

 Madaxweynaha Somaliland oo maanta si weyn loogu soo dhoweeyay  hargeysa, oo warbaahinta la hadlay,  ayaa sheegay in dawladda Talyanigu kow ka ahyd dagaalkii ay dawladda Federaalka ee Soomaaliya ku qaaday safarkooda iyo sidii loo qaabilay, wxuuna sheegay in Madaxweynaha Dalka Guinea,  Alpha Conde. dhegaha ka furaystay dhawaaqyadii kaga imanayay Talyaaniga iyo xulufada Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Madaxweynaha Guniea . Alpha Conde,si weyn usoo dhoweeyay, isla markaana  balanqaaday inuu qadiyada Somaliland ka shaqaynayo, isagoo xusay in shirkii Midawga Afrka oo uu ka qaybgalay durba ka bilaabay sidii uu qadiyada Somaliland ka dhaadhicayay.

Madaxweynaha Somaliland , waxa kale oo uu sheegay in 24 saacadood oo ay ku sugnaayeen Addis Ababa ay kula kulmeen Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dalka Chad oo Madaxweynuhu sheegay inay kala hadleen qadiyada Somaliland, isla markaana wuxuu xusay in wasiirka Arrimaha Dibbedda Dalka Ethiopia iyo Maaliyadda ay kulamo muhiim ah la yeesheen.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post