X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Shacabka Ugu Bushaareeyey Dhammaadka Shaqaaqaddii Gobolka Sanaag

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyayaasha Saddexda Xisbi, Gnacsade Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil) Masuuliyiin iyo ganacsato ka qaybgelaya Furitaanka mashruuc ay shirkadda Dahabshiil Group dalka ku keenayso gaadiid casri oo ay samayso shirkadda caalamiga ah ee Dahabshiil Hyundai Motors, Araweelo News Network 25 July 2019 Hargeysa

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shaqaaqada colaadeed ee muddada ka taagnayd deegaanka Ceel-Afweyn iyo guud ahaanba gobolka Sanaag, wuxuuna bulshada ugu bushaareeyey inay arrintaasi marayso marxalad farxad  iyo yididiilo badan leh.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadalkaa maanta ka sheegay mashruuc ay shirkadda Dahabshiil Group dalka ku keenayso gaadiid casri oo ay samayso shirkadda caalamiga ah ee Dahabshiil Hyundai Motors, wuxuuna bulshada ugu bushaareeyey in laga gudbay dhammaanba caqabadihii hor taagnaa colaadahaas, marka laga tago waafajinta heshiiska ee dhinaca sharciyadda.

, “Arrinta Ceerigaabo nabad baa ka jirta, werwerna kama qabno inay nabad ku dhammaanayso, dadkaa halkaas isugu tegay, kuwa sii joogay iyo kuwa u tegeyba dhammaanteen waxaynu heshiis ku nahay inay arrintaas nabad ku dhammaato oo ay islaax dhexdeenna ah ku dhammaato oo aanay waxba inaga duul duulin, sidii sharciga loo waafajin lahaa uun baa la is weydiinayaaye”

Madaxweynaha, ayaa intaa raaciyay, ” Maanta halkaas khilaaf ka taagan oo la isku diiddan yahay dawlad, odayaal iyo dhallinyaradeennii cadhootay midna ma jirto, qodobbo yar yar uun baa la xallinayaa sidii sharciga loo waafajin lahaa, taana ka war war la’aada nabad bay kusoo dhammaanaysaaye, dalkuna waa nabad.” ayuu yidhi, Madaxweyne Muuse Biixi.

Hadalka Madaxweynaha, ayaa daba socda isku dayo ay muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlannaayeen madax-dhaqameed iyo waxgarad reer Somaliland ah oo u guntaday sidii colaadda gobolka Sanaag loo soo afjari lahaa, kuwaas oo garab iyo wada-shaqaynba ka helay xukuumadda iyo guud ahaanba maamulka gobolka Sanaag.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post