X
    Categories: Warar

#Somaliland: Madaxweynaha Oo Sameeyay Xil-kaqaadis Iyo Magcaabis

Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi, ayaa xilalkii ay hayeen ka qaaday masuuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa, isagoo kuwo kalena magcaabay, sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha.

Qoraalka wareegtada Madaxweynaha, ayaa u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-328/062019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiste), Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Shiinaha

Ku: Maxamed Cabdikariim Cumar Ismaaciil, Safiir Ku-xigeenkii hore Somaliland u fadhiyey dalka Itoobiya

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka ee kor ku xusan.

Magacaabis Markaan Arkay:  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:  Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:         La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1.Maxamuud Xaamud Cumar  Guddoomiyaha Gobolka Badhan

2 Cabdiraxmaan Axmed Muuse  Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Badhan

3. Cawil Ibraahim Cali Wakiilka Xafiiska Ganacsi ee Somaliland ee Dalka Shiinaha

   Nasir Yusuf Dahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post