X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Safar Ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, oo safar u baxay.


Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo oo muddo kooban qaadan doona  ugu baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Safarka madaxweynaha, waxa warbaahinta si kooban ugu sheegay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Yaasiin Maxmauud Xiir, wuxuuna sheegay inuu safarka Madaxweynuhu salka ku hayo marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay masuuliyiinta dalka Isu-tagga Imaaraadka carabta oo diyaarad khaas ah usoo diray, taas oo madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo saaka ka qaadday madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah, Prof.  Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa safarka madaxweynaha ku sheegay mid shaqo, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxan doonayaa inaan halkan ummadda Somaliland uga baahiyo inuu jiro socdaal uu madaxweynaha Somaliland ugu baxayo dalka Imaaraadka Carabta, waana socdaal gaaban oo maalin iyo laba aan dhaafsiisnayn oo uu madaxweynuhu shaqo ugu baxayo, waxana uu socdaalkaasi ku saabsan yahay xidhiidhadii iyo wax wada-qabsigii hore uga dhexeeyey labada dal, waxana raacaya xubno xukuumadda kamid ah.”ayuu yidhi.

Balse Wasiir Faratoon, wuxuu diiday in ay suxuufiyiintu su’aalo la xidhiidha safarka Madaxweynaha wax ka weydiiyaan.

Socdaalka uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ku wehelinaya wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Qorshaynta iyo Horumarinta qaranka, Dr. Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin).

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post