X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Safar Ugu Baxay Dalka Guinea Ee Kusii Jeeda Badweynta Atlantic Iyo Sharaxaad Laga Bixiyay Ujeedada Safarkaa

Madaxweynaha Somaliland oo safar ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Guinea ee kulaalaya Badweynta Atlantic ee galbeedka qaarada Afrika. 1 July 2019

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa safar aan hore loo shaacin galabta ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Guinea  ee kulaalaya Badweynta Atlantic ee galbeedka qaarada  Afrika.

wasiirada  arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), horumarinta maaliyada, Dr. Sacad Cali Shire, 1 July 2019.

Safarkan Madaxweynaha Somaliland oo ay ku weheliyaan xubno ka tirsan xukuumaddiisa, ayaa ka danbeeyay kadib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dalkaa Prof. Alpha Conde.

 Sida uu warbaahinta u sheegay  wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka mid ah xubnaha weftiga madaxweynaha ku wehelinayey safarkiisa.

Wasiir Faratoon oo warbaahinta kula hadlay madaarka Cigaal International Airport,  ayaa sheegay in  safarka weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland qaadan doono dhawr maalmood, isagoo yidhi,  “Waxaanu maanta halkan kaga ambabixi doonnaa wefti uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, weftigaas oo casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Guinea ee ku yaala galbeedka Afrika”

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibeda ee Somaliland waxa uu warbaahinta u sheegay in safarkan madaxweynuhu uu yahay mid xoojin doona xidhiidhka labada dal, waxaanu yidhi.

“Waxaana laga soo wada hadli doonaa xidhiidhada labada dal iyo wixii wanaag ah ee ka dhaxeeya, insha Allaah saddex maalmood kadib weftigu halkan ayuu ku soo guryo noqon doonaa”. Ayaa lagu yidhi, war-qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland caweyskii kadib markii Madaxweynaha iyo xubnaha safarkaa ku weheliyaa ka dhoofeen Madaarka Egail International Ariport.

Waxaana Xubnaha Madaxweynaha ku wehelinaya safarkaa ahaayeen wasiirada  arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), horumarinta maaliyada, Dr. Sacad Cali Shire, horumarinta Caafimaadka, Cumar Cali Cabdilaahi iyo Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya Marwo, Adna Aadan Ismaaciil.

Dalka Guinea-Bissau oo ku yaal xeebaha galbeedka Afrika ee usii jeeda Badweynta  Atlantic , isla markaana leh Jiziirado badan oo ku yaal Bada Atlantic, ayaan la ogayn xidhiidh ay Somaliland la lahayd iyo ahmiyada uu u leeyhay inay Somaliland oo dunida aqoonsi ka raadinaysaa waqti iyo juhdi geliso, wuxuuna safarkan oo aan si dhab ah loo ogayn ujeedadiisa noqonayaa kii ugu horeeyay ee Madaxweyne Somaliland ah ku tago dalkaa tan iyo markii ay Somaliland lasoo no

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post