X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Midawga Yurub Iyo Arrimaha Laga Hadlay

Somaliland President Musa Bihi Abdi and Amb. Nicolás Berlanga Hargeisa 20 Oct 2019

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirrrada midawga Yurub iyo Sweden u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. staffan Tillander.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ambassador Nicolás Berlanga Madaxtooyadda Somaliland 20 Oct, 2019.

Sida lagu sheegay war-qoraal ah oo kooban oo kulankaa madib kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, waxa Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay safiirrada, lagaga wada hadlay adkaynta iyo dardar-gelinta  xidhiidhka wada-shaqayneed ee midawga Yurub iyo dalka Sweden ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi  lahaa, isla markaana laysaga kaashan lahaa arrimaha   mandaqadda Geeska Afrika.

War-qoraalka kooban oo nuqul kamid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, waxa lagu sheegay in ugu danbayntii kulankaa lagaga wada hadlay diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka foodda innagu soo haya ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka, kuwaas oo ay beesha caalamku danaynayaan inay doorkooda ka qaataan, maadaama ay Somaliland ka taageeraan hannaanka dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, waxaanay guud ahaan weftigani sheegeen inay diyaar u yihiin Somaliland taageeradeeda.

Ambassador. Nicolás Berlanga Martinez iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa wax ka yar laba todobaad markii labaad booqasho ku yimi Somaliland, isla markaana kulamo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Nasir Yusuf Dahir, Director of the Media Department in the Office of the President Republic of Somaliland

ناصر يوسف ضاهر ، مدير إدارة الإعلام في مكتب رئيس جمهورية أرض الصومال

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post