Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirrrada midawga Yurub iyo Sweden u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. staffan Tillander.
Sida lagu sheegay war-qoraal ah oo kooban oo kulankaa madib kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, waxa Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay safiirrada, lagaga wada hadlay adkaynta iyo dardar-gelinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midawga Yurub iyo dalka Sweden ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, isla markaana laysaga kaashan lahaa arrimaha mandaqadda Geeska Afrika.
War-qoraalka kooban oo nuqul kamid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, waxa lagu sheegay in ugu danbayntii kulankaa lagaga wada hadlay diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka foodda innagu soo haya ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka, kuwaas oo ay beesha caalamku danaynayaan inay doorkooda ka qaataan, maadaama ay Somaliland ka taageeraan hannaanka dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, waxaanay guud ahaan weftigani sheegeen inay diyaar u yihiin Somaliland taageeradeeda.
Ambassador. Nicolás Berlanga Martinez iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa wax ka yar laba todobaad markii labaad booqasho ku yimi Somaliland, isla markaana kulamo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka
Madaxweynaha JSL.
—
Nasir Yusuf Dahir, Director of the Media Department in the Office of the President Republic of Somaliland
ناصر يوسف ضاهر ، مدير إدارة الإعلام في مكتب رئيس جمهورية أرض الصومال