X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Qaabilay Wakiilka Gaarka Ah Ee Ra’iisal Wasaaraha Jarmalka U Qaabilsan Afrika

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Ra’iisal wasaaraha Jarmalka u qaabilsan dalalka Afrika, Ambassador Gunter Noote oo booqasho ku yimi Somaliland.

Madaxweynaha iyo wakiilka Ra’iisal wasaaraha dalka Jarmalka u qaabilsan waddamada Afrika, ayaa ka wada-hadlay arrimo door ah oo salka ku haya danaha labada waddan iyo mashaariicda horumarineed ee Jarmalku ka wado Somaliland, gaar ahaan dhinaca dhismaha  waddooyinka iyo Biyo ballaadhinta Caasimadda Somaliland oo ay dawladda Jarmalku kaalin weyn ku leedahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale wakiilka Ra’iisal wasaaraha Jarmalka u qaabilsan waddamada Afrika uga mahadnaqay booqashada uu ku yimi Somaliland, waxana ay si qoto dheer uga doodeen xidhiidhka qotoda dheer ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Jarmalka.

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan, wakiilka Somaliland u qaabilsan urur-goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika, Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo maareeyaha wakaallada Biyaha Hargeysa, Mudane Maxamed Cali Daarood.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post