X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Qaabilay Haweenay ku Xeel-Dheer Arrimaha Ataarta Qadiimiga Ah

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta qaabilay Aas-aasaha, ahna agaasimaha fulinta ee ururka Horn Heritage Organization, Dr. Sada Mire.

Ugu horrayn agaasimaha ahna Aas-aasaha ururka, Dr. Sada Mire ayaa Madaxweynaha warbixin iyo sharraxaad dheer ka siisay muhiimadda ay qaranka u leeyihiin goobaha taariikhiga ah ee ku duugan dalka oo ay ku samaysay cilmi-baadhis qoto dheer, taasoo muddo qaadatay, iyadoo wakhti gelisay sidii dadka ku dhaqan Somaliland wax uga ogaan lahaayeen taariikhihii qadiimka ahaa ee uu soo maray dalkoodu qarniyadii kala danbeeyey.

Ururka Horn Heritage Organization oo ka shaqeeya goobaha ay ku duugan yihiin taariikhaha iyo Ataarta qadiimiga ah oo muddo ku hawlanaa sidii goobaha taariikhiga ah ee Somaliland bulshada caalamka loogu bandhigi lahaa, ayay Dr Sada Mire ka diyaarisay goobahaas Buugaag dhaxal-gal ah oo xambaarsan taariikho ku siman boqollaal sanno oo ay haatan gacanta ku hayso wasaaradda ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku bogaadiyay aqoonyahanad Dr Sada Mire wakhtiga naf-huridda ah ee ay gelisay sidii ay wax uga qori lahayd Ataaraha qadiimiga ah ee ku duugan dalka, taas oo ay si muwaadinimo ah isugu xilqaantay inay diyaariso xogo muhiima oo muujinaya qarniyadii ina dhaafay iyo raadadkii aynu soo marnay welina ka sii muuqda dalka.

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post