X

Somaliland: Madaxweynaha Oo Qaabilay Hablo Saraakiil Boolis Ah Oo La Dalacsiiyay

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay hablo dhallinyaro ah oo katirsan ciidanka Booliska, kuwaas oo u dallacay derejada sarkaalnimo.

 

Kulanka uu madaxweynuhu ku qaabilay hablahan katirsan ciidanka Booliska Somaliland, ayaa waxa ku wehelinayey taliyaha ciidanka Booliska, sarreeyo guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) iyo taliyaha ciidanka birmadka gaashaanle sare Cabdi Axmed-tiir iyo ku-xigeenkiisa, gaashaanle dhexe Khadar Maxamuud Cabdilaahi, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo, laguna dhiirrigelinayo hablaha Booliska ah ee dallacay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo qaabilay Hablo saraakiil Boolis ah 28 March 2021, Image Araweelo News Network.

Ugu horrayn taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi iyo taliyaha ciidanka Birmadka, gaashaanle dhexe Cabdi Axmed-tiir oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay kaalinta dhiirrigelinta iyo taageerada leh ee uu ka qaato ciidanka Booliska iyo dhismihiisa.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey hablaha dhallinyarada ah ee ka tirsan ciidanka Booliska, kuwaas oo maanta u dallacay derejooyin cusub, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waan idin soo dhaweynayaa, waan idin hambalyeynayaa qolodiinna dallacday, tacliinta sii wada oo sii kordhiya, waana idiin ducaynayaa inaad horumar badan samaysaan dhinac walba.”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo qaabilay Hablo saraakiil Boolis ah 28 March 2021, Image Araweelo News Network.

Madaxweynuhu waxa uu ku dheeraaday kaalinta ay haweenku ugu jiraan bulshada iyo sida ay shacabku ugu kalsoonyihiin shaqooyinka ay gacanta ku hayaan iyo filashada wanaagsan ee ay astaanta u yihiin, “Dumarku awood bay u leeyihiin inay dadka wax ka dhaadhiciyaan, weliba dadku hablaha way maqlaan, waayo waa Hooyo, waa naxariis, markuu qofku dumar yahay qofka soomaaliga ahi waxa uu ka filayaa waa naxariis, taakulayn iyo waxtar,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo qaabilay Hablo saraakiil Boolis ah 28 March 2021, Image Araweelo News Network.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu hablaha katirsan ciidanka Booliska kula dardaarmay inay si hufan bulshadooda ugu adeegaan, shaqada ay qaranka u hayaanna u hagar baxaan.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post