X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Qaabilay Arday Ku Guulaysatay Tartanka Quraanka Ee Djibouti

madaxweynaha

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex Arday oo reer Somaliland ah oo kaalmaha sare ka galay tartan Quraanka kariimka ah oo lagu qabtay dalka Djibouti.

madaxweynaha somaliland Muuse Biixi oo qaabilay arday ku guulaysatay tartanka quraanka ee Djibouti

Saddexdan Arday oo kala ah Bashiir Cabdullaahi Maxamed la tartamay kow iyo toban (11) Arday oo ka kala socda dalal Carab iyo Afrikan isugu jira, islamarkaana kaalinta koowaad usoo galay iyo Cabdiwaasac Maxamuud Cabdusalaan iyo Cabdilaahi Cabdufataax Macallin Shukri oo iyaguna kaalmo wanaagsan kasoo galay tartankan, ayuu madaxweynuhu si gaar ah ugu qaabilay xafiiskiisa, waxana uu ku bogaadiyey guusha ballaadhan ee ay soo hooyeen iyo dedaalka ay sameeyeen iyaga oo da’ ahaan aad u yaryar.

Madaxweynuhu waxa uu saddexda Arday kula dardaarmay inay dedaalkooda sii wadaan, xifdinta qur’aanka iyo qowlka Eebbena muhiimad gaar ah siiyaan, waxana uu ku sifeeyey tusaale wanaagsan oo ka markhaati ah kartida iyo dedaalka Da’yarta Qur’aanka barata ee reer Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post