X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Masuuliyiin Xilalka Ka Qaaday Kuwa Kalena Magcaabay

Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilkii ka qaaday masuuliyiin dhawr ah, isagoo sidoo kalena magcaabay masuuliyiin kale.
Sida lagu shaaciyay Wareegto Madaxweyne oo ku taariikhaysan 31 /12/2018.

Wareegtadaa oo kasoo baxday Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, ayaa u dhignayd sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-248/122018 uu Xilka qaadis, Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Mudane Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Gargaar), Guddoomiyaha Gobolka Sool.

Ku: Maxamuud Axmed Maxamed Shiil,
Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool.
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL

Ku: Mudane Siciid Saalax Shire,
Maareeyaha Madbacadda Qaranka
Og: Maareeye Ku-xigeenka Madbacadda Qaranka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hayseen ee Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilka qaranka ee kala ah Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka.

Sidoo kale waxa aan farayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha in uu u kala wareejiyo xilalka masuuliyiintan heer Gobol iyo kuwa cusub, sida ugu dhakhsaha badan.

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

Tir Magaca Xilka 1 Maxamed Cabdi Gurxan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

2 Maxamuud Raage Ibraahim Maareeyaha Madbacadda Qaranka .

3 Cabdiqani Maxamuud Jiidhe Guddoomiyaha Gobolka Sool.

4 Saleebaan Diiriye Cabdi (Joof) Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool

2) In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uulkan u beddelo xilkan:

Tir Magaca Xilka

1 Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post