X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Magcaabay Xilal Kuwa Kalena Caydhiyay

Madaxweyne Muuse Biixi

Hargesa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilalkii ka qaaday masuuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa, wuxuuna sidoo kale magcaabay masuuliyiinta bedelkooda.

Qoraal wareegto ah oo kasoo baxday maanta qasriga Madaxtooyadda. waxaa lagu yidhi, ” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-351/072019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis
Ku: Maxamed Daahir Axmed Furre;
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
Ku: Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed Kaahin;
Maareeyihii Hay’adda Waddooyinka
Ku: Cabdi Nuur Sugaal;
Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Awdal
Ku: Naasir Ayjeex Jaamac;
Agaasimihii Fulinta Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS-ka
Ku: Maxamed Abiib Yuusuf;
Agaasimihii Daaweynta iyo Daryeelka ee Komishanka Xakamaynta AIDS-ka

Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan:
Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

UJEEDO : MAGACAABID
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
1. Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
2. Axmed Yuusuf Maxamed Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland
3. Cabdishakhuur Ismaaciil Muumin Aar Agaasimaha Fulinta Komishanka Xakamaynta AIDS-ka
4. Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada
5. Xamse Suldaan Aadan Faarax Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
6. Cawaale Faarax Cilmi Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Awdal
7. Diiriye Cabdi Jaamac Xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka
8. Sahra Maxamed Xuseen Agaasimaha Daaweynta iyo Daryeelka Komishanka Xakamaynta AIDS-ka
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post