X

Somaliland: Madaxweynaha Oo Magcaabay Gudida Dib U Habaynta Ciidamadda

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilandย  Cabdiraxmaa.n Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta magcaabay Gudidda dib u habanynta Ciidanka Qaranka.

Sidaana waxa lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha oo u dhignayd sidan;-

๐–๐š๐ซ๐ž๐ž๐ ๐ญ๐จ ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 25/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay XM/G/083-049/012025 uu ku magacaabay Guddida Dib-u-habeynta & Casriyeynta Ciidammada kala duwan

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ku: Dhammaan Masโ€™uuliyiinta hoos ku xusan Hargeysa

Og: Dhammaan Taliyayaasha Ciidammada JSL Hargeysa

๐”๐ฃ๐ž๐ž๐๐๐จ: ๐Œ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐๐š ๐ƒ๐ข๐›-๐ฎ-๐ก๐š๐›๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š & ๐‚๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐๐š ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐๐ฎ๐ฐ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐.

Sida aad la socotaan, waxa ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan-tahay dib-u-habaeynta, dardar-gelinta, casriyeynta iyo horumarinta hawlaha Ciidammada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa darteed, laga bilaabo taariikhda maanta waxa aan idiin magacaabay in aad noqotaan Guddida Dib-u-habeynta & Casriyeynta ee Ciidammada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

๐†๐ฎ๐๐๐ข๐๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ช๐š๐š๐›-๐๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐ž๐ž๐๐ค๐ฎ ๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ฌ๐ข๐๐š๐ง:

1. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga & Difaaca โ€“ Guddoomiye

2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga โ€“ Gud/Kuxigeen.

3. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada โ€“ Xoghaye

4. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha- Xubin

5. Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda โ€“ Xubin

6. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda โ€“ Xubin

7. La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha- Xubin

8. La-taliyaha Sare ee Arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha โ€“ Xubin

Haddaba, waxa aan idinka rejaynayaa in aad xilkaas u gudan doontaan si mug iyo miisaan leh, isla markaana aad hawshaas ku soo dhammaystiri doontaan muddo kooban, idinka oo adeegsanaya farsamada iyo khibradda ay u baahan tahay howshani.

Taliyayaasha Ciidammada kala duwan ee dalka waxa aan farayaa in ay guddidan gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan aan u xilsaaray.

๐€๐ฅ๐ฅ๐š๐š ๐Œ๐š๐ก๐š๐ ๐‹๐ž๐ก

๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ฑ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข (๐‚๐ข๐ซ๐ซ๐จ)
๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

ย 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post