#Araweelo_News_Network
Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilandย Cabdiraxmaa.n Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta magcaabay Gudidda dib u habanynta Ciidanka Qaranka.
Sidaana waxa lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha oo u dhignayd sidan;-
๐๐๐ซ๐๐๐ ๐ญ๐จ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 25/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay XM/G/083-049/012025 uu ku magacaabay Guddida Dib-u-habeynta & Casriyeynta Ciidammada kala duwan
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ku: Dhammaan Masโuuliyiinta hoos ku xusan Hargeysa
Og: Dhammaan Taliyayaasha Ciidammada JSL Hargeysa
๐๐ฃ๐๐๐๐๐จ: ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ข๐ ๐๐ฎ๐๐๐ข๐๐ ๐๐ข๐-๐ฎ-๐ก๐๐๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ & ๐๐๐ฌ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐๐ฎ๐ฐ๐๐ง ๐๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐.
Sida aad la socotaan, waxa ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan-tahay dib-u-habaeynta, dardar-gelinta, casriyeynta iyo horumarinta hawlaha Ciidammada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaa darteed, laga bilaabo taariikhda maanta waxa aan idiin magacaabay in aad noqotaan Guddida Dib-u-habeynta & Casriyeynta ee Ciidammada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.
๐๐ฎ๐๐๐ข๐๐๐ง ๐จ๐จ ๐ช๐๐๐-๐๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐๐๐๐ค๐ฎ ๐ฒ๐๐ก๐๐ฒ ๐ฌ๐ข๐๐๐ง:
1. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga & Difaaca โ Guddoomiye
2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga โ Gud/Kuxigeen.
3. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada โ Xoghaye
4. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha- Xubin
5. Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda โ Xubin
6. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda – Xubin
7. La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha- Xubin
8. La-taliyaha Sare ee Arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha – Xubin
Haddaba, waxa aan idinka rejaynayaa in aad xilkaas u gudan doontaan si mug iyo miisaan leh, isla markaana aad hawshaas ku soo dhammaystiri doontaan muddo kooban, idinka oo adeegsanaya farsamada iyo khibradda ay u baahan tahay howshani.
Taliyayaasha Ciidammada kala duwan ee dalka waxa aan farayaa in ay guddidan gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan aan u xilsaaray.
๐๐ฅ๐ฅ๐๐ ๐๐๐ก๐๐ ๐๐๐ก
๐๐๐๐๐ข๐ซ๐๐ฑ๐ฆ๐๐๐ง ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ก๐ข (๐๐ข๐ซ๐ซ๐จ)
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐