X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Magcaabay Guddida Ka Hortaga Coronavirus

Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/083-488/032020, ku magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus.


Madaxweynuhu, wuxuu wareegtada ku socod siiyay, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, wuxuuna ku yidhi sidan:-
Ujeeddo: Magacaabid Guddi

Mudanayaal, Sida aad la socotaan, waxa aynu Qaran ahaan hore u qaaday tallaabooyin aynu kaga hor-tagayno xanuunka saf-marka noqday, adduunkana ku sii faafaya ee Coronavirus (Covid-19). Waxa aynu abaabul xooggan iyo heeganba galinnay Shaqaalaha Wasaaraddaha Horumarinta Caafimaadka oo baadhitaanno iyo hubin ka bilaabay dhammaan Madaarrada diyaaradaha, Dekedaha iyo xuduudaha dalka laga soo galo. Hase yeeshee, waxa loo baahan yahay dadaal, diyaar-garaw iyo ka-hor-tag intaa ka badan.

Sidaa darteed, waxaan idiin magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus (Covid-19), waxaana xidhiidhka wada-shaqaynta Guddida hoggaamin doona Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Waxaan idinka rajaynayaa in aad xil weyn oo culus iska saari doontaan u diyaar-garawga iyo ka hor-tagga xanuunka Coronavirus.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.
Nasir Yusuf Dahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post